Itoobiya Iyo Kenya Oo Tartan Adag Ugu Jira Suuqa Qaadka Ee Somaliland Iyo Qorshaha U Dajisan Labada Dal.

0
Tuesday November 27, 2018 - 12:37:46 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Iyo Kenya Oo Tartan Adag Ugu Jira Suuqa Qaadka Ee Somaliland Iyo Qorshaha U Dajisan Labada Dal.

    Madaxweynaha maamulka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa ka hadlay dhibaatada uu qaadku ku hayo bulshada maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa ka hadlay dhibaatada uu qaadku ku hayo bulshada maamulkaasi.


Madaxweyne Lemma Megersa oo khudbad u jeedinayey oday dhaqameedka, masuuliyiinta iyo maamulka Oromia ayaa shaaciyey muhiimada looga baahan yahay dawlada Itoobiya inay siiso wadamada loo dhoofiyo qaadka ka soo go’a beeraha maamulka Oromia.

Madaxweynaha maamulka Oromia ee dalka Itoobiya Lemma Megersa ayaa sheegay inay doonayaan xidhiidh toos ah oo dhinaca ganacsiga qaadka ah oo dhex mara somaliland, isaga oo meel adag iska taagay qorshaha ay dawlada Kenya ku doonayso inay qaadkeeda suuq uga raadiso wadanka somaliland.

Madaxweynaha maamulka Oramia ee dalka Itoobiya Lemma Megersa ayaa meesha ka saaray hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirka ganacsiga dalka Kenya kaas oo daarnaa inay Kenya doonayso in qaadka Miirooga loo soo dhoofiyo somaliland, waxaanu xusay inaanay marna ogolaanayn tartan ay Kenya kula gasho suuqa qaadka ee somaliland.

 

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Lemma Megersa ayaa  sheegay in madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ay ku casuumi doonaan dalka Itoobiya si ay uga wada hadlaan xoojinta xidhiidhka ganacsiga qaadka ee labada dal u dhaxaysa, waxaanu madaxweynaha Oromia doonayaa inay somaliland si toos ah ugu soo dhoofiyaan qaadka.

Hadalkan ka soo yeedhay madaxweynaha maamulka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa jawaab u noqonaya dhawaaqii wasiirka ganacsiga dalka Kenya, iyada oo somaliland u muuqata inay noqotay dal hoy u ah qaadka isla markaana si adag loogu tartamo suuqa ka banaan qaadka.

Dhinaca kale waxaan muuqaan qorshe uga yaala dawlada iyo shacabka somaliland qaadka faraha badan ee ay haatan Itoobiya ay keento, ka ay qorshaynayso iyo qaadka la doonayo in laga keeno dalka Kenya.

Xukuumada  somaliland ayaan wali dhinaceeda ka hadal tartanka ay labadan wadan ugu jiraan suuqyada qaadka ee ka jira somaliland, marka laga reebo safiirka somaliland ee dalka Kenya Baasha Cawil oo sheegay in wasiirka ganacsiga Kenya ay ka wada hadleen xidhiidh ganacsi oo dhex mara Nairobi Iyo Hargeysa.