Hargaysa:-Warbaahinta Oo Heshay Cadadka Lacag Cadaan Ah Oo Ku Baxday Safarkii Madaxweynaha Ee Gobolada Bariga Iyo Qaabkii Uu U Qaybiyay.

0
Monday December 03, 2018 - 16:03:10 in by salman abdi
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Warbaahinta Oo Heshay Cadadka Lacag Cadaan Ah Oo Ku Baxday Safarkii Madaxweynaha Ee Gobolada Bariga Iyo Qaabkii Uu U Qaybiyay.

    Warbaahinta Oo Heshay Cadadka Lacag Cadaan Ah Oo Ku Baxday Safarkii Madaxweynaha Ee Gobolada Bariga Iyo Qaabkii Uu U Qaybiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Oo Heshay Cadadka Lacag Cadaan Ah Oo Ku Baxday Safarkii Madaxweynaha Ee Gobolada Bariga Iyo Qaabkii Uu U Qaybiyay.


Hargeysa (HWN) – Inkasta oo ay adag tahay in si dhib yar xogtan si dhab ah loo wada ogaado haddana illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo warbaahintu heshay ayaa daaha ka rogay cadadka lacag cadaan ah oo la garab qaaday Safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Doraad kaga soo guryo noqday Gobolada Bariga Somaliland kuwaasi oo uu kala kulmay soo dhawayn diiran iyo Martigalin cudoon.

Warar lagu kalsoon yahay oo lagu baahiyay Shabakadaha wararka ayaa iftiimiyay in safarkii 14-ka Maalmood qaatay ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay Gobolada Bari ee Somaliland ay kaga baxday lacag cadaan ah oo kor u dhaafaysa Hal  milyan oo Dollarka oo lacagta Maraykanka ah, inkasta oo ay warar kale sheegayaan inay hawlwadeenada Safarka Madaxweynuhu ay markii dambe kordhisteen oo ay lacag kale soo dalbadeen oo laga daba geeyay kadib markii uu dhamaaday Halkaasi Milyan ee hore ee Gaadhi loo sii saaray Madaxweynaha, haddana majiro war rasmi ah oo arintaasi xaajiinaya in lacagtaasi laga daba geeyay ay jirto.

 

Sida lagu baahiyay warbaahinta Qaar oo xogtan heshay, waxa safarka Madaxweynaha la socday Xisaabiyaha Khaaska ah ee Madaxtooyadda waxaanay lacagtaasi sida lagu tafsiiriyay ay ku baxaysay kulamada gaar ka ah ee uu Madaxweynuhu la qaadanayay Salaadiinta iyo Cuqaaasha Beelaha ku dhaqan Gobolada Bariga Somaliland oo uu Madaxweynuhu jufo jufo ula soo kulmay beelihii deganaa dhulkii uu safarka ku soo maray, waxaanu koox ahaan Cuqaasha iyo salaadiinta si muuqata ugu dhiibayay lacag Cadaan ah oo Dollar ah. Wararkan ayaa sheegaya in Cadadka Lacagta uu Madaxweynuhu gudoonsiinayay Salaadiinta iyo Cuqaasha la kulanta ay u dhexaysay 10-kun oo Dollar illaa 30-Kun oo dollar iyadoo uu ukala saraysiinayay hadba sida ay ukala tiro badan yihiin ee ay ukala xajmi wayn yihiin beel ahaan jufooyinkii uu kulamada la qaadanayay.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Siyaasada Dawladdu ay Madaxweynaha ku dhaliilaan inuu handaraabay dalka oo ay cidhiidhi kujirto noloshii caadiga ahayd ee Shacabku iyagoo ula jeeda inay istaagtay lacagihii meertada ahaa ee Qasnadaha Dawladda kasoo bixi jirtay ee ay iskaga noolaayeen dadka Magaalooyinka ku nooli.

 

Sidoo kale Madaxweyne Biixi Oo Hore Loogu Xaman Jiray Gacan Adayg Iyo Inuu Handaraabay Irmaantii Afmiishaarku Ladaaban Jiray ee Qasnadaha Dawladda kasoo bixi jirtay ayaa Noqday Madaxweynihii U Horeeyay Ee Lacag Cadaan Ah Jufooyin Hoose U Qaybiya oo waliba si badheedh ah oo muuqata lacag cadadkeeda la arkayo u qaybiya, lamana garanayo inay halkaasi kaga hadhi doonto naanaystii uu isaga laftiisu labada jeer ka hadlay ee Handaraab ee uu ku macneeyay inuu handaraabay Qasnadihii lacagta Dawladda,isagoo intii uu safarkiisan ku guda jiray oo uu Naanaystaasi ka hadlay ku sheegay inuu handaraabkii quful 99 ah u raaciyay.

 

Sources: Wargayska Foore.