Muqdisho:-Taliska ciidamada xoogga dalka oo fariin u diray Ururka Al-shabaab

0
Tuesday December 04, 2018 - 13:47:29 in by salman abdi
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Taliska ciidamada xoogga dalka oo fariin u diray Ururka Al-shabaab

    Muqdisho:-Taliska ciidamada xoogga dalka oo fariin u diray Ururka Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Taliska ciidamada xoogga dalka oo fariin u diray Ururka Al-shabaab

Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Ururka Al-shabaab in ay joojiyaan dilka iyo weerarrada ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Idha-Qarshe ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybo kala duwan ee dalka ka wadaan howlgalo lagula dirirayo Al-shabaab, isaga oo sheegay in howlgaladan yihiin kuwo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ay ka wadaan dalka.

 

‘’Al-shabaab waxaan ugu baaqayaa in ay dagaalka joojiyaan maxaa yeelay dagaalka ay ku jiraan mar walba waxaa ku dhimanaya dadka Soomaaliyeed oo aan la ogeyn sabab loo dilayo’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Idhaqarshe dhinaca kale ka dowlad ahaan aysan ogeyn sabab waqtiga loo laayo dad Soomaaliyeed oo heystaan dhibaatooyin kala duwan.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa soconayay howlgalo ciidamada dowladda ay ka wadeen gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.