Deg Deg:-Itoobiya oo markii ugu horeysay shidaal dibedda u dhoofineysa Iyo Dalka Ay U Dhoofinayayn.

0
Thursday December 06, 2018 - 12:46:29 in by salman abdi
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:-Itoobiya oo markii ugu horeysay shidaal dibedda u dhoofineysa Iyo Dalka Ay U Dhoofinayayn.

    Deg Deg:-Itoobiya oo markii ugu horeysay shidaal dibedda u dhoofineysa Iyo Dalka Ay U Dhoofinayayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg:-Itoobiya oo markii ugu horeysay shidaal dibedda u dhoofineysa Iyo Dalka Ay U Dhoofinayayn.

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay isku diyarineysaa in ay shidaal dhoofiso,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee dalkaasi Itoobiya.

 

 

Itoobiya ayaa sheegtay soo saarista Shidaalka Deegaanka Soomaalida laga helay in lagu soo gabagabeeynaya saddex sano.

 

Wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee Itoobiya ayaa sheegtay iney jiraan marxalado dhowr ah oo ka horreeya oo uu shidaalka soo saaristiisu marayo inta aan la isticmaalin ka hor.

Waxaa ay sheegtay in ay qodayso boqolaal ceel shidaal iyo in la fuliyo mashaariic waaweyn si loo helo fursad sahlaysa in dalka uu soo saaro shidaal,waxaana shidaalkaasi laga heley deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,kadib markii bishii June ee sanadkan ay wasaaraddu sheegtay in keyd shidaal laga heley dhulka Soomaalida ee kuyaala Bariga Dalkasi Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Itoobiya Dr Abay Axmed ayaa laga soo xigtay isagoo shacabka ugu hambalyaynaya in dalkiisa uu soo saarayo 450 fuusto shidaal maalinkasta,sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Itoobiya.

Goobaha ilaa iyo haatan laga heley shidaalka waxaa kamid deegaanada Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella, laakiise dhulka Soomaalida ayaa ah halka haatan u diyaarsan soo saarista shidaalka.