Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Go,aan Lama Filaan Noqdey Ka Soo Saarey Guddidii Maaliyada Ee Ku Xigeenkiisu Kala Diray

0
Saturday December 08, 2018 - 15:22:24 in by salman abdi
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Go,aan Lama Filaan Noqdey Ka Soo Saarey Guddidii Maaliyada Ee Ku Xigeenkiisu Kala Diray

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Go,aan Lama Filaan Noqdey Ka Soo Saarey Guddidii Maaliyada Ee Ku Xigeenkiisu Kala Diray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Go,aan Lama Filaan Noqdey Ka Soo Saarey Guddidii Maaliyada Ee Ku Xigeenkiisu Kala Diray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka

Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xidhka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018.

Sidoo kale waxaa uu faray Xukuumadda inay u hoggaansanto shaqada Guddiga Golaha Shacabka ee kor joogteynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.

Waxaa uu kaloo Guddoomiye Mursal uu baaqay in la dhowro madax banaanida Baarlamaanka oo ah Laanta Sharci dejinta dalka.

Halkan Hoose Ka Akhriso Go,aanka Gudoomiyaha