Ganacsade lagu dilay hoygiisa magaalada Muqdisho iyo gabadhiisa oo la dhaawacay

0
Sunday December 09, 2018 - 12:55:07 in by salman abdi
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade lagu dilay hoygiisa magaalada Muqdisho iyo gabadhiisa oo la dhaawacay

    Ganacsade lagu dilay hoygiisa magaalada Muqdisho iyo gabadhiisa oo la dhaawacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsade lagu dilay hoygiisa magaalada Muqdisho iyo gabadhiisa oo la dhaawacay

Koox ku hubeysneyd bastoolado ayaa lagu waramayaa in ay hoygiisa ku dileen magaalada Muqdisho ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax (Cabdi Biifane)

 

 

Gaar ahaan toogashada ayaa ka dhacday Ex Koontarool Afgooye oo uu deganaa ganacsadaha waxaana sidoo kale kooxda weerarka geysatay la sheegay in ay dhaawaceen gabadh uu dhalay marxuumka.

 

Dadka aqoonta u lahaa marxuumka ayaa u sheegay warbaahinta in uu ka mid ahaa ganacsatada soo dajisa gawaarrida lamana oga sababta keentay in kooxahan bartilmaameedsadaan iyaga oo horay u sii kaxeystay sida la sheegay gaari uu lahaa.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa tagay halka uu falka ka dhacay hasse ahaatee kuma aysan guuleysan in ay gacanta ku dhigaan kuwii ka danbeeyay dilka.