MEEL MARIN: Maanso ku socota Ardaydii Dhowaan ka qalinjebisay Jamacadaha by Kaltun Mohmed

0
Wednesday September 17, 2014 - 08:26:42 in by salman abdi
  • Visits: 1910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MEEL MARIN: Maanso ku socota Ardaydii Dhowaan ka qalinjebisay Jamacadaha by Kaltun Mohmed

    waa qayb kamida maansadii MEEL MARIN ee ku socotay ardayda qalin jabisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa qayb kamida maansadii MEEL MARIN ee ku socotay ardayda qalin jabisay

marhadaan maanta dhamaynay
meeriskii u horeeyay
cilmigu waa kala maabe
maadigii kani weeye
manhajkeeni islaamka
midna yuu baran waayin
markaa meel marintiisa
maangaab yaynu ahaane
mid masaajid fadhiistoo
mufti shiikha noqda
mid masuul sare doontoo
musuqmaasuqa maydha iyo
mid mashruuc soo dajiya
waa in aan muruqeeniyo
maskaxdeena furnaayoo
umadaa kala maagtee
midba meel u maroore
qabiil maanka daboolay
ee gaal haduu mindi keeno
ama u mudacsiyo
anagaa reer mudana
murankaa ka bilaama
midba meel ka mudayse
in markaa lamaguujiyo
mayd in uu ku go o
mid uun ay noqonayso

midka maalin la doortee
masuul ay ka dhigtaana
marka ay magaciisiyo
muuqaalkiisa arkaan
mascunaaya ku sheega

midka diinta macneeyee
dambigay mirayaan
masjidkaa ka gala
iyo midka meel lafadhiista
iyagoo aan midh samaynin
munaafaq maalyar lasiiyay
marka uu ku murqaamo
been kasoo malmalaayo
ee kooxda mawlukul meedkiyo
musaxiriinta la moodo
maxbuus ay dhigayaan

midka manta wax haysata
haduu maalgashi keeno
meesha uu cagta saaro
masaabiirta dhigaysa
ee marna aan ogolayn 


fadlan maxad ku soo kordhisay Bulshada sanadkaa tagay ?????????????


By: Kaltun Mohamed Muse

Burco Somaliland