War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Putland Oo Ka Noqoday Dacwad Uu Ka Gudbiyay Gaas Iyo Arimaha Sababay Ka Noqoshada.

0
Tuesday December 11, 2018 - 14:00:22 in by salman abdi
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Putland Oo Ka Noqoday Dacwad Uu Ka Gudbiyay Gaas Iyo Arimaha Sababay Ka Noqoshada.

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Putland Oo Ka Noqoday Dacwad Uu Ka Gudbiyay Gaas Iyo Arimaha Sababay Ka Noqoshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Putland Oo Ka Noqoday Dacwad Uu Ka Gudbiyay Gaas Iyo Arimaha Sababay Ka Noqoshada.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka laabtay dacwad ka dhan ah madaxweynaha Puntland , taas oo salka ku haysay magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ee Baarlamaanka Puntland oo madaxwayne kuxigeenku ka horyimid guddigii madaxwaynaha uu magacaabay.

Camey ayaa dacwada u gudbiyay maxkamadda sare ee Puntland, balse qoraal ay baahisay warbaahinta gudaha ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne ku-xigeenka ka tanaasulay dacwada.

Ma cadda in labada hoggaamiye ay ka heshiiyeen khilaafka dhextaagna ee la xiriiray magacaabiista guddiga xallinta khilaafaadka, mana jirto ilaa hadda wax faahfaahin ah oo u bixiyay madaxweyne ku-xigeenka.

Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee u magacaabay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa hadda howlahooda lagu wadaa inay billaabaan, xilli doorashada ay ka dhimantahay waqti koobaan.

Hoos ka akhri qoraalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland;