Daawo: M/weyne kuxigenka Hore Somaliland oo ka hadlay Marxaladda uu Dalku Marayo , Dardaaran Badana u soo jediyey Mucaaradka iyo Xukuumadda Mar lagu Waraystay Barnamijka Hal Adayg ee HCTV

0
Wednesday September 17, 2014 - 09:44:12 in by salman abdi
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: M/weyne kuxigenka Hore Somaliland oo ka hadlay Marxaladda uu Dalku Marayo , Dardaaran Badana u soo jediyey Mucaaradka iyo Xukuumadda Mar lagu Waraystay Barnamijka Hal Adayg ee HCTV

    Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxaladdan adag ee dalku marayo, waxaanu talooyin u soo jeediyay, xukuumadda, Axsaabta Mucaaradka iyo shacabka reer Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxaladdan adag ee dalku marayo, waxaanu talooyin u soo jeediyay, xukuumadda, Axsaabta Mucaaradka iyo shacabka reer Somaliland.


Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo uu ka hadlay shaqsiyadda wasiirkii hore ee hore ee Maaliyadda Somaliland, Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu sheegay in afartii xukuumadood ee Somaliland soo maray uu la soo shaqeeyay saddex, hasa-yeeshee mid walba uu wakhti kooban la shaqeeyay, taasi oo uu ku sababeeyay isla weyni.

 

 


Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ugu horeyn ka hadlaya Marxaladda Dalku waxa uu yidhi "Marxaladdan oo Uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo hoggaaminayo dalka, waa marxalad uu dalka seeskii dhisan yahay oo uu hagoogan yahay, lana soo dadey, loona baahan yahay in aad loo qurxiyo oo dadku halkan hore uga soo maraan, dalkana ictiraaf loo raadiyo. Marxaladdan maanta waxaan odhan karaa waa Marxalad adag, maadaama oo la ictiraafay Soomaaliya oo indhaha caalamku dhinacaa Soomaaliya u jeedsadeen, taasi maaha marxalad yar, waa marxalad innaga la inooga baahan yahay isku duubni adag, maadaama oo caalamkiina Soomaaliya u jeedo, innagana la innoo arkayo Maamul gobolleed aynaan ahayn”

Mudane Yaasiin, waxa kale oo uu ka hadlay Mushkiladaha ku kaca xukuumadaha dalka soo mara "Ilaa Qaaxo ilaa maantana Maamul kasta oo jirey dad ayuun-baa xiniinyaha hayey, markaa isku duubni adag hala muujiyo, waayo marka muran badan yimaaddo waxa yimaaadda fashil, haddii fashil yimaaddana labadeenna ayaa qadhmuun isku ureyna, markaana dawladda ayaa burbureysa, markaa waxaan ku talin lahaa murankan faraha badan ha laga baxo oo si yaqiin leh ha loo wada hadlo, dabadeedna hore ha loo socdo. Maadaama oo adduunku u jeedo Soomaaliya, waa inaynu innagu indhaha caalamka dhankeena u soo jeedinno” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Qofka waxa la amaani karaa marka uu xilka ka tago, annagana xiniinyaha ayaa la naga bixiyey, Cigaal wuxuu dhintay isagoo la handadey, Cabdiraxmaan Tuur waatii xitaa gaadhiga laga dajiyey, markaa Madaxweyne Axmed yaanu filanin in imika la ammaano, waxa lagu ammaanayaa markaad khadka ka baxdo oo la odhanayaa waar ninkii wax buu qabtay, wax badan wuu qabtay, laakiin dhaliilana wuu leeyahay, waayo bani-aadam” ayu yidhi


Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland, oo lagu wareystay barnaamijka Hal-adeyg ee telefiishanka HCTV, ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in awoodda dalka wax laga siiyo beelaha darafyada "Cigaal iyo Daahir Rayaale markay dalka xukumayeen, waxa talinayey beelaha Darafyada, laakiin isaga waxaan ku dhaliilayaa dhariga gacanta hala wada geliyo oo beesha dhexe yaanay meesha isku koobin, waan in laga gudbaa beelahan qaylinaya, waayo waxay barakoobaysaa marka xeedhada gacanta la wada geliyo, markaa Axmed waxaan leeyahay wax badan waad qabatey, haddana si waxeennu u socdaan beelaha darafyada soo geli, oo beelaha dhexe dhagaha ka fureyso”

Yaasiin, waxa kale oo uu ka hadlay dareenka iyo dhibaatada ay leedahay eedaymaha loo jeediyo masuuliyiinta "Ninka xukunka fadhiyaa waa Cawro, waayo wax badan oo aanu lahayn-baa la saarayaa (Laga sheegayaa), waxa laga yaabaa in laba nin oo isku qabtay Burco in la yidhaahdo waxa ka dambeeyay Madaxwayne ku xigeenka ama Siilaanyo ayaa ka dambeeyay. In eedda qofka laga sheegayo haddaan si dhab ah loo ogeyn maaha in la sheego, waayo waxaan ogahay dhibta ku dhaceysa ninka halkaa fadhiya, meesha waan fadhiyey waanad ogeyd oo waa lanagu miisayey (eedaynayey) laakiin 90% wax aanaan gelin-bay ahayd” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo uu ka hadlay Khilaaf u dhexeeya isaga iyo Maxamed Xaashi Cilmi, kaasi oo uu sheegay inuu soo jiitamayey muddo dheer "Maxamed Xaashi, xiniinyaha ayuu haystay guddoomiyayaashii SNM oo dhan, afartii Maamul ee Somaliland soo mareyna saddex-buu ka mid ahaa, Cabdiraxmaan Tuur wuu iska gartay oo waxba uma dhiiban, Marxuum Cigaal-baa ka dhigay Maayarka Maayarrada oo fadhiisiyey Golaha Wasiirrada, isagii buu isku rogay oo uu yidhi halkan anigaa kaaga fiican, Daahir Rayaale ayaa qaatey oo ka dhigay Wasiirka ganacsiga, muddo kooban-buu hayay (Xilkaasi) waxay Daahir Rayaale isku khilaafeenna waan ka sheekayn doonaa, Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayuu la shaqeeyay, laakiin iskumay raagin”

Axmed Yuusuf Yaasiin, oo sii hadlaya ayaa sheegay "Maxamed Xaashi, aniga iyo Daahir Rayaale wuxuu noo soo qorey warqad toban bog ah oo uu leeyahay balaayiin-baa la cunay ilaa 1991-kii. Maxamed Xaashi wuxuu qoraa dakhliga ee Kharashka ma qoro. Markaasaan u yeedhay oo aanu ku idhi waxaan kaaga jawaabayaa arrinka labada nin ee dhintay (Tuur iyo Cigaal), Daahir Rayaale-na isagaa kaaga jawaabaya, waxaan ku idhi, labadii sanadood ee Cabdiraxmaan Tuur waynagii dagaalka ku qaadney ee Xiniinyaha iskaga marnay ee dakhligu halkuu joogay. Cigaal-baa meesha yimid 1993-kii, markuu sanad joogay ayaa isagana dagaal lagu qaadey, 1994, 1995 iyo 1996-kiiba dagaal-baa socday, ilaa shirkii Addis-ababa la isugu yimid oo dalku degay, intaa dagaalku socday waxa la cunay ee aad sheegaysaa halkuu joogaa, miyaanu kharash ku bixin beelihii la soo xereeyay iyo maleeshiyaadkii hubka laga dhigay, dadka qaar-baa nabadda laga iibsanayey, waxaan idhi Maxamed Xaashow malaha waxaasi adiga kuuma qorna, midda kale adiga yaa ku xisaabayey, Adiga oo Maayarka Maayarrada ah ayuu Cigaal kuu dhiibay Malaayiin dollar, wuxuu ku yidhi Magaalada ku dhis, laakiin dad qoxootiya oo yab-yabanaya ayaad dumin ku bilowday. Hay’adda Hapitat-baa intaas oo lacag ah kuu dhiibtey halkeed geysay” ayuu yidhi, isaga oo intaasi raaciyey faahfaahinta halka uu ka soo bilaabmay khilaafka u dhexeeya Xaashi "Waxaan kuu sheegayaa ina Xaashi halka aanu iska qaniiney, subax buu Ii soo galay isaga oo Miisaaniyad sita (Wasiirka Ganacsiga ayuu ahaa) ii hiili ayuu igu yidhi maanta waxaan wadaa wax ka fiican Cawil’e (Xuseen Cali Ducaale), dabadeedna Golihii Wasiirrada oo aanu Daahir Rayaale soo fadhiisan ayuu galay, markaasuu qaybiyey (Odoroska Miisaaniyad aan khuseynin), dabadeedna waxa soo galay Cawil oo wata (shaqaalihii Miisaaniyadda sharixi lahaa, si markaa Golaha Wasiiradu uga hadlaan), markaasey Wasiirradii ku yidhaahdeen Cawilow waanu haysanaa Miisaaniyaddii aad keenaysay, dabadeedna Wasiir Cawil-baa u tagey Madaxwaynaha, (Wax ay isku yidhaahdeen Alle ayaa Og) laakiin Madaxwaynuhu wuxuu soo fadhiistey shirka Golaha Wasiirrada isaga oo cadheysan, markii Qur’aanka la akhriyey, ayuu Madaxwaynuhu yidhi Cawilow ka hadal Miisaaniyadda, markuu Cawil dhameeyay ayuu Ina Xaashi Kacay, markaasuu Daahir Rayaale ku yidhi fadhiiso hadal kumaan siine, markaasuu fadhiisan waayay, halkaas ayaana shirkii lagu xidhay (Markaasuu Eryey) waxayna ahayd erigii ugu deg-degga badnaa ee Daahir Rayaale sameeyay” 



Contact@afkashacabka.com