Wajaale:-Ergadii Nabadeyta Beelihii Ku Dagaalamay Koonfurta Sool Oo Soo Gaadhay Magaalada Wajaale.

0
Thursday December 13, 2018 - 15:39:03 in by salman abdi
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wajaale:-Ergadii Nabadeyta Beelihii Ku Dagaalamay Koonfurta Sool Oo Soo Gaadhay Magaalada Wajaale.

    Wajaale:-Ergadii Nabadeyta Beelihii Ku Dagaalamay Koonfurta Sool Oo Soo Gaadhay Magaalada Wajaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wajaale:-Ergadii Nabadeyta Beelihii Ku Dagaalamay Koonfurta Sool Oo Soo Gaadhay Magaalada Wajaale.

Warar xog ogaal ah oo ilaa hada si rasmi ah loo xaqiijin Karin oo Warbaahinta soo gaadhaya ilo xog ogaal ah waxaa ay sheegayaan in magaalada Wajaale maalintii shalay aheyd laga ay ka noqdeen ergadii Nabadeynta beelihii ku dagaalamay Koonfurta gobalka Sool ee Jig Jiga ku sugnaa .

Ergadaasi oo markii hore ay xukuumada Somaliland ay casuumad u fidisay si ay ula sii dar daaranto ayaa dib u noqdey markii ay marayeen magaalada Wajaale oo ah Xuduuda u dhaxeysa Itoobiya iyo Somaliland .

Sababta loo celiyey Ergadan ayaa Warbaahinta ilo xog ogaal ahi u sheegeen ka dib markii xukuumadu ay Ergadaasi ku war galisay in aanu dhinaca Somaliland u soo raacin Garaad Jamaac Garaad Cali , oo isagu aaminsan Fikirka Khaatumo iyo Maamulka Puntland

Ergada ayaa xoguhu sheegen in dalabkaasi ay ganafka ku dhufteen isla markaana ay go,aansadeen inay dib isakaga noqdaan , waxaana ergadaasi ay martay Wadada Hawda ee Gaashaamo iyo Daroor tagta halkaas oo ay uga soo gudbi doonan deeganadooda

Ilaa hada ma jiro war ka soo baxay dhinaca xukuumada Somaliland oo arintani ku saabsan dhawr jeer oo aanu isku deynay in aanu wax ka weydiino na way noo suurto gali weyday