Muxuu Ahaa Qoraalkii & Sawirkii Uu Twitter-ka Soo Dhigay Paul Pogba Kadib Ceyrintii Mourinho & Fariinta Oo Gabi Ahaan La Tiray.

0
Tuesday December 18, 2018 - 19:49:11 in by salman abdi
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Ahaa Qoraalkii & Sawirkii Uu Twitter-ka Soo Dhigay Paul Pogba Kadib Ceyrintii Mourinho & Fariinta Oo Gabi Ahaan La Tiray.

    Muxuu Ahaa Qoraalkii & Sawirkii Uu Twitter-ka Soo Dhigay Paul Pogba Kadib Ceyrintii Mourinho & Fariinta Oo Gabi Ahaan La Tiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Ahaa Qoraalkii & Sawirkii Uu Twitter-ka Soo Dhigay Paul Pogba Kadib Ceyrintii Mourinho & Fariinta Oo Gabi Ahaan La Tiray.

Shaqo ka ceyrinta tababarahii Man UnitedJose Mourinhoayaa ah warka ugu weyn ee hadda laga hadal hayo kubadda cagta, waxaana markaan baraha bulshada aad loogu buun-buuniyaa sawir uu soo dhigay Paul Pogba daqiiqado kadib warkii ay kooxda ku xaqiijisay shaqo ka ceyrinta macalinka reer Portugal.

Waxaa la ogaa iney xurguf wakhti dheer qaadatay ka dhaxeysay Jose Mourinho iyo Paul Pogba taas oo ku saleysan hanaanka falsafadda macalinka, wuxuuna buuqaan soo bilowday bartamaha fasal ciyaareedkii hore.

Kulamo badan ayuu xiddigaan dooqa Jose Mourinho dartiis kursiga keydka u galay, waxaana ugu dambeysay kulankii ay 3-1 guuldaro ah kala kulmeen Liverpool kulan ka tirsan horyaalka, sidaas darteed xiddigaan wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay go’aanka kooxda.

Paul Pogba wuxuu twitter-ka soo galiyay sawirkaan sare kaas oo muujinaya dareen cajiib ah iyo qof ku farxay xaalad markaas jirta, wuxuuna kusoo qoray, "Qoraal u yeel” isagoo kala jeeday sawirkaan qoraal ku haboon kusoo qora.

Dabcan taageerayaashiisa ayuu amarkaas siiyay, balse durba waa la tiray sawirka iyo qoraalkaba oo sidoo kale lasoo dhigay barta Instagram-ka, waana sheeko xiiso badan oo hadal heynta Mourinho dhinac ka noqotay.

 

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay sawirkaan xirfadlenimo la’aan iyagoo Paul Pogba ku eedeeyay inuu qeyb ka yahay dhibaatada kooxda, sidoo kale jamaahiirta ayaa aad ugu dhaleeceeyay sawirkii farxadda ay ka muuqatay uu la galay Paulo Dybala.