Madaxweyne Jabuuti oo boggaadiyay dadaalka Abiy Ahmed ee Nabadda Geeska Africa

0
Friday December 21, 2018 - 13:29:25 in by salman abdi
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Jabuuti oo boggaadiyay dadaalka Abiy Ahmed ee Nabadda Geeska Africa

    Madaxweyne Jabuuti oo boggaadiyay dadaalka Abiy Ahmed ee Nabadda Geeska Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Jabuuti oo boggaadiyay dadaalka Abiy Ahmed ee Nabadda Geeska Africa

Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaga jira nabadda iyo is-dhexgalka Wadamada Geeska Afrika.

 

 

Isaga oo ka hadlaya, kulan Saddex Cisha ahaa oo ay yeesheen Safiirro reer Jabuuti ah iyo Diblomaasiyiin sare, oo Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jabuuti, ayaa wuxuu si aad ah usoo dhoweeyay is-beddelka ka jira Bariga Afrika ee uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed.

 

Madaxwayne, Geelle, ayaa xusay in ay tallaabadani xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan bariga Afrika iyo in is-afgaradka laga gaaro xaaladaha jira.

Wuxuu sidoo kale aad usoo dhoweeyay, mudane, Geelle, dedaallada jira , isagoo ka mahad celiyay dedaallada caalamiga ah ee uu wado Dr Abiyi Axmed, ee ku aaddan Gobolka, oo ay ka mid tahay dedaalka uu ka sameeyay iyo geeddi-socodka is-dhexgalinta ah ee Jabuuti iyo Eritrea.