Hordhac: Leicester City vs Manchester City – Pep Guardiola Oo Guul Qasab Ah Doonaya,

0
Wednesday December 26, 2018 - 11:24:27 in by salman abdi
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Leicester City vs Manchester City – Pep Guardiola Oo Guul Qasab Ah Doonaya,

    Hordhac: Leicester City vs Manchester City – Pep Guardiola Oo Guul Qasab Ah Doonaya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Leicester City vs Manchester City – Pep Guardiola Oo Guul Qasab Ah Doonaya,

Leicester City ayaa garoonkeeda u qurxisay farxad ay ku ciidsiiso jamaahiirteeda fasaxa ku jira ee u imanaya King Power dawashada ciyaarta ay kusoo dhoweynayaan Manchester City, xilli ay maalin kaliya kasoo wareegtay Xuska Ciidda Masiixiga, kuna beegan maalinta loo yaqaano Boxing Day.

Leicester City oo shidaal ka dhiganaysa guushii ay kasoo gaadhay Stamford Bridge oo ay 1-0 kaga soo adkaatay Chelsea Sabtidii, ayaa waxay jilbaha isku dhiganayaan Manchester City oo u dagaallamaysa inay kasoo doogto dakharradii guul-darro lama filaan ah oo Crystal Palace ay ugu xambaarisay Etihad Stadium, waxaana Pep Guardiola gubaysa in Liverpool ay ka sare martay afar dhibcood.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxa jiray warar suuqa soo galay oo sheegayey in Leicester ay ka fikirayso inay shaqada ka joojiso tababare Claude Puel oo ciyaaryahannadu ka cawdeen farsamadiisa tababarka, waxaana iftiinka xantaasi aad usoo muuqatay markii saddex ciyaarood oo isku xiga ay hal dhibic oo kaliya ka heshay, isla markaana laga reebay tartanka EFL Cup.

Inkasta oo ay wararkaasi jireen, waxa xummad jebin u noqotay guul ay Sabtidii kala soo laabteen Chelsea oo ay marti u ahaayeen.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, Leicester City waxay guuleysatay laba kulan, laba kalena way khasaartay halka laba kalena ay barbar-dhac gashay.

 

Dhinaca Manchester City, tababare Pep ayaa ogsoon xaqiiqada ah in saddex dhibcood oo uu Leicester City ka helo ay ka caawinayso inuu kusii dhowaado Liverpool oo afar dhibcood ka horreysa, laakiin ay ballansan yihiin January 3 oo garoonka Etihad Stadium ay ku wada ciyaari doonaan.

Raxan ciyaartooyo ah ayaa Manchester City ka dhawaacnayd kulamadii u dambeeyey, waxaase war wanaagsan u ahayd in Kevin de Bruyne iyo Sergio Aguero ay ciyaareen kulankii Crystal Palace ay guul-darrada u xambaarisay oo ay beddel kusoo galeen.

De Bruyne oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee Man City, waxa uu xili ciyaareedkan saftay 126 daqiiqadood oo kaliya horyaalka Premier League, sababtuna waa in dhaawac dibedda dhigay kubbad sameeyaha reer Belgium uu muddo u jiifay laakiin uu hadda diyaar yahay.

Guardiola dhimasho ayuu ka xigaa in dhibco uu lumiyo ka hor kulanka Liverpool, haddii ay ku dhacdana waxay City u muuqan doontaa mid xilli hore ka hadhay tartanka labada kooxood lagu sifeeyey ee xili ciyaareedkan ee hoggaanka oo Liverpool kula midaysan tahay, kaas oo si dhab ah ay u tuuri doonto haddii ay khasaarto, isla markaana Liverpool guuleysato, sidoo kalena kulankooda sannadka cusub ay mar kale dhabarka dhulka ku dhufato.

 

Si guud marka loo eego bandhig ciyaareedka Manchester City ee xili ciyaareedkan, laba kulan oo kaliya ayaa ay guul-darraysatay horyaalka Premier League, laakiin waa labada dilay ee sababta u noqday in afar dhibcood looga sarreeyo horyaalka ay xilli ciyaareedkii hore 19-ka dhibcood ku qaadday.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka, waxay guuleysatay afar ka mid ah, labada kalena way guul-darraysatay.

Xogta Ciyaarta:

Kulanka:Leicester City vs Manchester Citiy

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 6:00PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: King Power Stadium

Wararkii u dambeeyey ee labada kooxood

De Bruyne iyo Aguero ayaa la filayaa inay hoggaamiyaan shaxda tababare Guardiola maadaama ay taam ka noqdeen dhaawacyadii muddada dibedda dhigay, laakiin waxa la qiimayn doontaa xaaladda Fernandinho oo illaa daqiiqadaha ugu dambeeya uu tababaruhu go’aan ka gaahdi doono, halka David Silva shaki la geliyey inuu kusoo laaban karo kulankan inkasta oo uu qaatay tababarkii u dambeeyey.

Oleksandr Zinchenko ayaa kasoo muuqan kara difaaca bidix, waxaana khadka dhexe la geyn doonaa Fabian Delph oo booskaas xajin doona inta uu Fernandinho maqan yahay, laakiin waxa isaguna fursaddiisa heli doona Riyad Mahrez.

Dhinaca Leicester City, lama filayo in tababare Puel uu isbeddel ku sameeyo shaxdii uu kula ciyaaray Chelsea, laakiin waxa uu qiimayn doonaa sida uu noqdo Vardy oo dhaawac fudud soo gaadhay. Waxa kale oo suurtogal ah in Demari Gray uu kusoo bilowdo khadka dhexe oo kaydka la geliyo Mark Albrighton.

Leicester City:Schmeichel; Pereira, Morgan, Maguire, Chilwell; Choudhury, Mendy, Ndidi; Maddison, Gray, Vardy

Manchester City:Ederson; Walker, Stones, Laporte, Zinchenko; Delph, Gundogan; Sterling, De Bruyne, Mahrez; Aguero

Kulamadii labadan kooxood iskaga hor yimaaddeen

Waxa uu noqonayaa kulankii 117aad ee ay labadan kooxood iskaga hor yimaaddaan, waxaana 58 ka mid ah guuleysatay Manchester City, halka Leicester ay 29 guulood la hoyatay, kulamada kale ee hadhay oo tiradoodu tahay 30 ba barbar-dhac ayay ku dhamaysteen.

Kulankii ugu dambeeyey ee Leicester City ay ka guuleysatay kooxdan koobka difaacanaysa, waxa uu dhacay December 2016 oo ay ku adkaatay 4-2, laakiin shan jeer oo xigay Man City ayaa afar ka mid ah guulo waaweyn gaadhay, waxaana ugu dambaysay toddobaadkii hore oo rikoodheyaal ay kaga saartay tartanka EFL.