Mbappe Oo Varane Iyo Griezmann Ku Garaacay Xiddiga Ugu Wanaagsan Ciyaaryahannada Faransiiska Ee Sannadka 2018

0
Wednesday December 26, 2018 - 15:58:39 in by salman abdi
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mbappe Oo Varane Iyo Griezmann Ku Garaacay Xiddiga Ugu Wanaagsan Ciyaaryahannada Faransiiska Ee Sannadka 2018

    Mbappe Oo Varane Iyo Griezmann Ku Garaacay Xiddiga Ugu Wanaagsan Ciyaaryahannada Faransiiska Ee Sannadka 2018

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mbappe Oo Varane Iyo Griezmann Ku Garaacay Xiddiga Ugu Wanaagsan Ciyaaryahannada Faransiiska Ee Sannadka 2018

Xiddiga da’da yar ee Kylian Mbappe ayaa loo doortay ciyaartoyga ugu wanaagsan guud ahaan laacibiinta waddanka Faransiiska u dhashay, taas oo sannad walba lasoo saaro, isla markaana abaal-marin lagu bixiyo.

Mbappe ayaa qayb ka ahaa xulkii qaranka France ee ku guuleystay Koobkii Adduunka, waxaana uu ku guuleystay xiddiga da’yarta sannadka ee abaal-marinta Kopa ee wargeyska France Football, sidoo kalena wuxuu kaalinta afraad ka galay Ballon d’Or oo ay uga horreeyeen Luka Modric, Cristiano Ronaldo iyo Griezmann.

Laacibkan dhowaan 20 jirsaday oo ay abaal-marinta xiddiga ugu fiican France kula tartamayeen Raphael Varane iyo Antoine Griezmann, ayaa waxa la guddoonsiiyey shaqsiga sannadka, taas oo uu bixiyo wargeyska France Football, kaddib markii uu qiimaynta iyo tirooyinkaba kaga sare maray labada laacib ee kale.

Mbappe ayaa waxa uu sannadkan dhamaanayaa u ahaa mid guulo badan oo uu isku darsaday Koob Adduun, horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 iyo French Cup, waxaana uu dhaliyey goolal badan oo ka dhigay ciyaaryahan ka saamayn badan ama la mid ah Neymar Jr oo ay wada joogaan PSG.

Si kastaba ha ahaatee, Mbappe ayaa sannadka 2019 uu u bilaabmi doonaa isaga oo haysta guulo shaqsi ah oo badan, waxaana uu u dagaallami doonaa in uu noqdo laacibka Luka Modric ka beddeli doona Ballon d’O