
DAAWO | 10 Xidig oo aad layaabi doontid in Barcelona usoo ciyaareen Davids, Maradona, Icardi & kuwo oo kale
DAAWO | 10 Xidig oo aad layaabi doontid in Barcelona usoo ciyaareen Davids, Maradona, Icardi & kuwo oo kale Hore waxaan idinkula wadaagnay muuqaal aan cinwaan uga dhignay 10 xidig oo aan rumeysaneynin iney soo ciyaareen naadiga real Madrid , waa magacyo qaar kamid ah laacibiinta kubadda cagta oo ay halmaameen jamaahiirta gaar ahaan iyagoo guulo balaaran lagaaray kooxo kale waqti badanna ma aysan sii jirin joogitaankooda Malaki Sida Samuel Eto , Marcos Alonso & Fabinho, Muuqaalkan waxaan idinkugu soo gubin doonaa qeyb kale oo ugaar ah cadaawada Real Madrid ee Barca iyadoo aankugu soo bandhigi doono 10 ka xidig ee ugu waaweyn ee aadan rumeysan karin iney soo cayaareen Naadiga Barcelona Waxaa kujira halka uu ugu dambeeyo Mauro Icardi ee nala dawo muuqaalkan :- 1. Maxi Lopez:- Weeraryahanka reer Arjentiin waxa uu ku biiray naadiga Barcelona sanadkii 2005 isagoo kayimid Reval Blate ee ka dhisan Arjentiin, maamulka Barca ayaa u arkay inuu noqon doono badal lagu halmaami doono ninkii reer Sweden Henrik Larson oo waqtigaasi dhaawacmay lkn saadaalintaasi cagsigeeda laacibka ayaa awoodi waayey inuu magaciisa ku waajib yeelo shaxda Barca bal dhowr jeer ayaa laga waayey line Upkii Frank Rickard , hal xili ciyaareed & bar uu joogay kama qeyb galin wax kabadan 19 kulan kaliya bal waxa uu dhaliyey 2gool isagoo usuuragashay in kooxda uukula guuleysto dhowr koob haba ugu weynaadaanee koobka laliga & koobka Uefa Champions league xili ciyaareedkii 2005-2006 , xili ciyaareedkii xigay Lopez waxa uu go’aansaday inuu amaah uga tago naadiga kuna biiro Real Mayorca kadibna waxa uu isaga sii dambeeyey Ac Milan & Undinese ilaa laga soo gaaro naadigiisa Vasco dagama ee Brazil. 2. Pepe Reina:- Goolhayaha reer Spain waxa uu doonay inuu maro wadada aabihii Megel Riena Goolhayihii Barcelona xiligii sideetamaadkii , waxa uu go’aansaday in tareenkiisa kubadda cagta uu ka bilaabo naadiga Camaaliqada Catanka ee Barca , waxa uu lasoo ciyaaray dhamaan qeybaha kala duwan lagu daray kooxda 1aad . goolhayan 35 jirka ah waxa uu kasoo baxay Academiyadda dahabka ee Lamesia, kooxda 3aad waxaa lagu daray sanadkii 1999 kadibna kooxda 2aad kahor inta aan loo xirin fanaanada kooxda 1aad ee Blugrana isagoo jira 18 sano , waxa uu ku guuleystay inuu kooxda uciyaaro 49 kulan oo ka dhigan laba xili ciyaareed lkn ma awoodin wax koob ah inuu kooxda kula guuleysto kahor intuusan go’aansan xili ciyaareedkii 2002 inuu kubiiro Vallareal kahor inta uusan gaarin Liverpool si uu unoqdo goolhayaha 1aad ee Kooxda mudo 8 sano oo aad uqurux badnaa kadibna waxa uu isaga dambeeyey Buyern Munchen & Napoli kadibna Milan. 3. Lilian Thuram:- Difaacii france ee iscasilay xidigan hore oo bandhig cajiib ah lasameystay Manoco , Parma & Juventus lagu daray Xulka France , Barcelona waxa uu ku biiray Xili ciyaareedkii 2006 isagoo kayimi Kooxda heerka 2aad ee Serie B da ulaabatay ee Juventus lkn wax badan lama qabsan mana helin nasiib wanaagsan inuu kulamo badan ku cayaaro sababo ku aadan da’diisa & tayadiisa oo hoos udacday ,taasi oo keentay inuu kabaxo xisaabaadka Frank Rickard tababarihii Barca , waxaana uu noqday doorashada 4aad ee difaaca kooxda kadib Carlos Puyol , Ggabriel Malito & Ravael Marquez , si uu ugo’aasado inuu isaga tago bilowgii xiliciyaareedkii 2008-2009 kuna biiro Paris Sant German lkn wax kulan ah uma uusan cayaarin sababo ku aadan xanuunka kahaleelay muruqa wadnaha oo kuqasabtay inuu gebi ahaanba iska casilo kubadda cagta. 4. Simao Sabrosa:- inkastoo uu yahay mid kamid ah kuwa ugu caansan taariikhda Portugal hadana si wacan ulama qabsan Barcelona gaar ahaan waxa uu ahaa wiil dhalin yaro ah oo da’yar ah markii ayka soo iibsadeen Sporting lisbon xili ciyaareedkii 1999 , waxa uu jiray 20 sano kaliya markaas oo ay aheyd xili ciyaareedyadiisii horeeyey , garabka reer portuqees waxa uu ka qeyb ahaa 32 kulan oo uu dhaliyey hal gool kaliya , xili ciyaareedkiisii 2aad dad badan ayaa saadaaliyey in dhaxal unoqon doono ninka ay isku wadanka yihiin ee Luis Figo kaas oo lama filaan ah ugu biiray Real Madrid lkn rajadii laga qabay meysan soo muuqan waqtigaa kadib markii 38 kulan uu ciyaaray kaliya 3 gool uu dhaliyey misna aan wax koob ah laqaadin si uu ugo’aansado inuu dib ugu laabto dalkiisa sanadkii 2001 una siimaray albaabka Benfica kaas oo laqaaday 3 koob oo Maxali ah kadib waxa uu uwareegay tiro naadiyo ah oo ay ugu weyn tahay Athletico Madrid oo uu laqaaday Horyaalka Yurub & Super Copaha Yurub . 5, Edgar Davids:- ninkan hada jira 45 ta sano & xidigii hore kubada holand & ninka Ookiyaalaha ku caanka ah, Barcelona waxa uu kubiiray bishii January 2004 isagoo amaah kaga yimid Juventus kadib markii uubandhig cajiib ah lasameeyey halkaasna waxa uu ku qaatay waqtigiisii ugu fiicnaa oo uu la joogay Bianconeri waliba 7 xili ciyaareed , dad badan ayaa saadaaliyey in halkiisa uukasiiwadayo bandhigiisa cajiibka ah lkn taabasho cad kuma laheyn qadka dhexe ee Barca mana soo bandhigin wax uqalmay rajada Jamaahiirta Catalanka , waqtigaasi waxa uu ka qeyb ahaa 18 kulan xili ciyaareed barkii mana dhalin wax kabadan hal gool isagoo aan sidoo kale kooxda wax koob ah kula guuleysan si uu uga tago Barcelona oo uu ugu biiro Inter Milan dhamaadkii Xili ciyaareedkaasi kadibna waxa isaga sii dambeeyey Tottenham & Ajax kahor inta uusan gebi ahaanba garoomada isaga bixin dhamaadkii 2013. 6. Juan Roman Riquelme:- Xili ciyaareedkii 2002-2003 wiilka reer Arjentiin waxa uu difaacay midabka Barcelona kadib markii uuka yimid kooxda Boca Junyours heshiis loo hamuun qaban oo siweyn ufarxad geliyey jamaahiirka Blugrana sababo ku aadan isagoo xiligaasi ahaa kan ugu fiican laatiiniyaanka lkn waqti dheer meysocon, Tababare Vangaal oo waqtigaasi leylinayey Barca ayaa waxa uu ka ciyaarsiiyey garab kaasoo keentay in heerkiisii hore uusan usoo muuqan waxaana xabsi uu uga yeelay kursiga keydka in kabadan hal jeer , waxaa hoos udhacay tayada gooldhalintiisa 42 kulan uu ciyaaray waxa uu dhaliyey 6 gool taasoo soo dadajisay in maamulka ay go’aamiyaan xiliciyaareedkii xigay in amaah loogu diro Vallareal, halkaasi ayuu kusoo ceshtay wixii kamaqnaa kooxdana waxa uu ku hogaamiyey usoo bixida koobka Uefa Champions league markoodii ugu horeysay taariikhda waliba gaarsiinta Semi Final koobka 2005-2006 kahor inta uusan dib ugu laaban kooxda Boca Jounyrs sanadkii 2007. 7.Thiago Motta:- Waxaa dhacday xilici yaareedkii 2001-2002 in wiilkan reer Taliyaaniga uu xirtay fanaanada 1aad ee Barcelona kadib 3 sano uulajoogay kooxda 2aad bilowgiisii kubadda cagta , waxa uu laqaatay xili ciyaareed naadiga Catalanka kaas uu kaga qeyb galay 139 kulan , waxa uu dhaliyey 9 gool isaga oo kooxda laqaaday koobka Laliga 2 jeer , koobka uefa Champions League 1 jeer & Super Copaha Spain , waxa uu wax lataaban karo kasameeyey qadka dhexe balse muusan helin inuu joogto unoqdo shaxda 1aad ee kooxda sababo ku aadan dhaawacyo haleelay, 2007 dii waxa uu si toos ugu biiray Athletico Madrid kadibna Genoa laguday Inter Milan oo uu laqaatay 3 leydii taariikhiga aheyd ee Mourinho kadibna Paris Santi German mudo 7 xili ciyaareed kahor inta uusan isku casilin da’da 35 jirka. 8. Ricardo Qurezma :- Waa xidig kale oo Portuqees ah oosoo xirtay fanaanada Barcelona xili ciyaareedkii 2003 isagoo kayimid Sporting Lisbon kadib markii uula dhacay Juan Laporta Gudoomiyihii hore ee Barcelona , dad badan ayaa u arakayey in wax weyn uukusoo kordhin karo qadka weerarka Blugrana lkn waxaasi oo idil hawo un bey ahaayeen isagoo kufashilmay in awoodiisa uu kumuujiyo gudaha garoonka , sidoo kale waxaa sameyn ku yeelay Ololihii dacaayadeed ee lidka ku ahaa waxana uu bilaabay in habeenkii uuku mashquulo xafladaha aan ku habooneyn, waxey hoos udhigtay tayadiisa mana soo bandhigin wax laxusi karo , waxa uu uciyaaray hal xili ciyaareed 28 kulan ayuu ku dhaliyey hal gool kahor inta uu ulaaban horyaalka Portugal oo ah alaabab Porto kadibna waxa uu isaga sii dambeeyey dhowr naadi oo ay uga weyn yihiin Inter Milan & Chelsea lagu daray naadigiisa hada ee Bechisktas ee Turkiga. 9. Mauro Icardi :- Inteena badan waxa Ognahay laacibkan in lagu bartay Sampadoria kadibna waxa uu uwareegay naadigiisa hada ee Inter Milan lkn waxa aysan dad badan fileynin ayaa ah in Icardi uu ahaa laacib katirsan Safka Barcelona ee kayar 17 jirada laba sano & bar uula joogay waxa uu ku muujiyey kooxda da’yrada isagoo bandhig cajiib ah kasameeyey lkn fursadu meysan u imaanin si uga qeyb noqdo kooxda 1aad , waqtigaasi barcelona waxaa tiro weeraryahano ah oo ah kuwa ugu fiican caalamka David Villa , Thery Henry & Lionel Messi lagu daray isagoo ahaa Weeraryahan Classici ah oo aan munaasab ku aheyn Barcelona si uu ugo’aansado katigsta Barca 2011 ilaa laga gaaro horyaalka Taliyaaniga. 10. Diego maradona :– Halyeeyga reer Arjentiin waxa uu tareenkiisa kubada cagta ee Yurub ka bilowday Barcelona 1982 isagoo ka yimid Boca Jounyours , waxaana la rumeysanaa in dhalasho cusub ay u aheyd naadiga Catalanka gaar ahaan lasoo wareegista mucjisadii reer Arjentiin , ficil ahaan Maradona Xili ciyaareedkiisii ugu horeeyey waxa uu dhaliyey 23 gool 35 kulan uu ciyaaray , kooxdana waxa uu kuhogaamiyey koobka boqorka , lkn xili ciyaareedkii xigay lagama helin wixii looga baahnaa sababo ku aadana qaabkii uu umaareeyey tababarihii reer Ingiris Terry Venablez ee waqtigaasi lagu daray dhaawacii haleelay kaasoo halis geliyey tareenkiisa kubadda cagta , lkn waxaas oo idil waa uu ka awood roonaaday markii uu iska riixay kuna biiray naadiga Napoli sanadkii 1984 tii , halkaasi ayey kusoo burqatay mowhibada Maradona mudo 7 xili ciyaareed ah , waxa uu ku guuleystay in kooxda uu la qaato tiro koobab ah , waxaana uu isaga sii dambeeyey Savilia , News Old Boys & Boca JR oo aakhirki uuku soo gabagabeeyey kubadda cagta. Kuwani waxey ahaayeen qaarkamid kuwii ugu waaweynaa oo lagayaabo intiina badan inaadan Ogeyn iney maalin uun soo xirteen fanaanadda Barcelona Comment noogu laacibka marna aadan fileynin inuu maalin uun soo xirtay Fanaanadda Barcelona
DAAWO | 10 Xidig oo aad layaabi doontid in Barcelona usoo ciyaareen Davids, Maradona, Icardi & kuwo oo kale
DAAWO | 10 Xidig oo aad layaabi doontid in Barcelona usoo ciyaareen Davids, Maradona, Icardi & kuwo oo kale