Solja Yeelkeede, Suxufi Xaqaaga Dhacso. W/Q Qoraa Abdikariin Karaama.

0
Friday December 28, 2018 - 19:32:04 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1227
  • (Rating 3.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Solja Yeelkeede, Suxufi Xaqaaga Dhacso. W/Q Qoraa Abdikariin Karaama.

    Sanad ka hor ayay ahayd markii ururka suxufiyiinta somaliland ee solja ay doorteen gudoomiye gacan ku rimis ah isla markaana aanay u dhamayn badiba suxufiyiinta xaqudirirka ah ee somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanad ka hor ayay ahayd markii ururka suxufiyiinta somaliland ee solja ay doorteen gudoomiye gacan ku rimis ah isla markaana aanay u dhamayn badiba suxufiyiinta xaqudirirka ah ee somaliland.

 kaas oo ay xuuto iyo ururkiisu uga gon lahaayrrn inay saxaafada somaliland u adeegsadaan hadba meesha ay wax ka helayaan, Waxay waagaa sanadka laga joogo bilaabeen inay dawlada iyo ururku gees ka maraan mihnad layaasha saxaafada somaliland isla markaasna ay qasab ku meel mariyaan gudooomiye aan warbaahintu raali ka ahayn, taas oo ugu danbaytii rumawday waana kan hada fadhiya ee xuuto ah.

 Hadaba sanad ka dib maata oo kale waxaa cadaaatay odhaahdii ahayd labadii xaqdaro ku heshiiyaa xaqay ku kala tagaan, waxaanu khilaaf xoogani soo kala dhex galay gudomiyaha ururka suxufiyiinta somaliland ee solja iyo wasiirka wasaarada warfaafinta somaliland, wuxuuna markan damcay xuuto oo jeebkiisa kala soo baxay inuu adeegsado awoodii mihnad layaasha uu sanad ka hor ku loolami kari waayay isla markaana uu u adeegsado dawladii uu waagaa isagu garabka ka helaaayay ee uga hiilisay saxaafada. 

 Wuxuuna soo saaray xuuto bayaan uu ku diidanyahay shir suxufiyiinta dan u ah oo ay iclaamisay wasaarada warfaafintu, isaga oo uga faa idaysanaya dano isaga ugaara. warbaahinta somaliland waxay uqayb santahay laba oo kala ah koox maalinta doorashada uun xuuto u codaysa iyo koox xaqu dirira oo bulshada ushaqaysa waana ta la rabo ee shirkan loogu baaqay isla markaana ahaa ragii maalintii xuuto iyo dawladuba ay dhinaca ka wada mareen maantana uu xaqoodii alle soo saray, xuutana sababtu udiidanyahay ay tahay inaanu ogalayn in suxufiyiintu ay xaqooda dhacsadaan. suxufi maanta maaha maalintii xuuto ka hadli lahaa wariye la xidhay ee waa maalintay suxufiyiintu la loo lami lahaayeen dawlada isla markaana xaqooda soo dhacsan lahaayeen. Hadaba suxufi kaalay shirka barito ka dhici doona maansoor hotel kana hadal waxad tabanayso taageerna wixii dantaadaa, 


solja yeelkadeede suxufi xaqaaga dhacso.

W/Q Qoraa Abdikariin Karaama