Garoowe:-Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliya Oo Laga Hor Istaagay Inay Galaan Garoowe + Sababta

0
Sunday January 06, 2019 - 16:59:52 in by salman abdi
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoowe:-Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliya Oo Laga Hor Istaagay Inay Galaan Garoowe + Sababta

    Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliya Oo Laga Hor Istaagay Inay Galaan Garoowe + Sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliya Oo Laga Hor Istaagay Inay Galaan Garoowe + Sababta

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku wargelisay xubno ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Garowe ku wajahnaa in aysan ka soo duuli karin garoonka diyaaradaha Aadan oo ay mudda saacado ah ku xayiran yihiin.

Dadaallo ay sameeyeen qaar ka mid ah Isimada Puntland oo lagu doonayay in mas’uuliyiinta loo ogolaado ayaa fashil ku dhammaaday, sida ilo wareedyo ay xaqiijinayaan.

Go’aankan mamnuucista ayaa ku kooban Golaha Xukuumadda Federaalka iyo shaqaalaha Villa Somaliya, hase yeeshee kuma jiraan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Wasiiradan loo diiday inay tagaan Magaalada Garowe, ayaa ka soo jeeda deeganada Puntland, waxayna doonayaan inay goobjoog ahaadaan doorashada Maamulkaasi.

Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya haatan ku sugan magaalada Garowe oo ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen, kuwaas oo u yimid arrimaha doorashada.