NISA oo sheegtay in ay bur burisay saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Shabeellaha Hoose
Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in ay howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Dugule ee gobolka Shabeellaha Hoose ku bur buriyeen saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in intii lagu gudajiray howlgalka gacanta lagu dhigay xubin ka tirsan Al-shabaab oo sida ay hay’addu hadalka u dhigtay dadka ka qaadi jiray lacago sharci darro ah {Baad}
Laakiin hay’adda NISA qoraalkeeda kuma aysan xusin magaca shaqsiga gacanta lagu dhigay ee ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa marar badan ooh ore qoraallo ay soo saartay ku sheegtay in ay qabtay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab sidoo kalana bur buriyeen xarumo muhiim u ahaa Ururka oo ay ka soo qaadi jireen weerarrada.
NISA oo sheegtay in ay bur burisay saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Shabeellaha Hoose
NISA oo sheegtay in ay bur burisay saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Shabeellaha Hoose