Kaniisaddii ugu waynayd bariga dhexe oo laga furay mid ka mid ah dalalka Islamka

0
Tuesday January 08, 2019 - 09:04:15 in by salman abdi
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaniisaddii ugu waynayd bariga dhexe oo laga furay mid ka mid ah dalalka Islamka

    Kaniisaddii ugu waynayd bariga dhexe oo laga furay mid ka mid ah dalalka Islamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaniisaddii ugu waynayd bariga dhexe oo laga furay mid ka mid ah dalalka Islamka

Madaxwaynaha dalka Masar Cabdul Fattax al-Sisi ayaa furay oo xarigga kaga jaray magaalada Qaahiro kaniisadii ugu waynayd ee laga dhiso bariga dhexe.
Hirgalinta kaniisadan ayaa ku soo beegmaysa maalin uun ka dib markii qarax lala beegsaday meel u dhaw kaniisad ay leeyihiin Qibdhiyiinta.
Qibdiyiinta ayaa dalka Masar ka ah 10% islamarkana dadka reer Masar aqlabiyadooda waa Muslimiin.
Mr Sisi, oo isagu isku tilmaamo in uu yahay nin ka difaaca Masiixiyiinta kooxaha xagjirka ah ayaa u sheegay dadkii isugu yimid furitaanka Kaniisadaasi in hal mar la wada furo masaajidka Al-Fatax Al-Aleem iyo kaniisadan ay tahay fariin nabadeed.
Waxaa la adkeeyay ammaanka xafladda lagu furiyay Kaniisadan cusub.
"Waxaa nahay hal waxa aana sii ahaan doonaa kuwa wdaajira," ayuu yiri Mr Sisi markii uu xarigga ka jarayay kaniisadda cusub.
Masar oo seddax maalmood barooraneysa
Kaameruun oo ku guulaysatay Koobka Qaramada Afrika
Hogaamiye Ikhwaanka Masar ka mid ahaa oo la dilay
Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Kaniisadan ayaa ah tii ugu waynayd bariga dhexe
Madaxa madhabka Kaatoliga Pope Francis ayaa salaan u soo diray baadiga lagu magacaabo Pope Tawadros II oo ah madaxa kaniisada Qibdiyiinta.
Kaniisadan ayaa ah mid ay ku cibaadaysan karaan dad tiradooda dhan tahay 8,000