Daawo:-Ciidanka Puntland Oo Ka Baxay Tuka-raq Gaas Oo Baaq Udiray-Iyo Deni Oo Kulan La Qaatay Taliyayaasha Ciidamada Puntland

0
Thursday January 10, 2019 - 12:18:35 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:-Ciidanka Puntland Oo Ka Baxay Tuka-raq Gaas Oo Baaq Udiray-Iyo Deni Oo Kulan La Qaatay Taliyayaasha Ciidamada Puntland

    Daawo:-Ciidanka Puntland Oo Ka Baxay Tuka-raq Gaas Oo Baaq Udiray-Iyo Deni Oo Kulan La Qaatay Taliyayaasha Ciidamada Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo:-Ciidanka Puntland Oo Ka Baxay Tuka-raq Gaas Oo Baaq Udiray-Iyo Deni Oo Kulan La Qaatay Taliyayaasha Ciidamada Puntland

Madaxweynaha shaqada ka tegaya ee Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), oo shalay doorashada lagaga guulaystay, ayaa maanta ka hadlay Ciidammada Millateriga Puntland ee ay Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland isku hor-fadhiyeen deegaanka Tukaraq ee Bariga goblka Sool, halka Madaxweynaha la doortayna kulan la yeeshay Madaxda Ciidammada.


Ciidammada jiidda Tukaraq ee gobolka Sool kaga sugnaa maamulka Puntland, ayaa la sheegay inay xalay iyo saaka badi ka baxeen deegaannada Tukaraq iyo nawaaxigeeda, ka dib hal maalin markii ay qabsoontay doorashada Madaxtinnimada Puntland oo lagaga guulaystay Madaxweynihii hore Cabdiweli Gaas, isla markaana lagu doortay Madaxweynaha shanta sano ee soo socda hoggaamin doona Maamulka Puntland oo loo doortay Siciid

 


Cabdillaahi Dani oo uu maantaba Gaas madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabbilay ama ku soo dhaweeyey.

 

 

Cabdiweli Gaas oo shir jaraa’id Arbacadii maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland, ayaa ugu baaqay inay Ciidammada Puntland ee ka baxay jiidda tukaraq ku noqdaan fadhiisimadoodii hore, isla markaana u taagnaadaan waxa ay u dhaarteen ee ah difaaca dalka iyo dadka reer Puntland. Waxa kale oo uu Gaas ka hadlay doorashada iyo isbeddelka hoggaamineed ee yimi oo uu sheegay inuu yahay mid fiican.

"Ciidammada qalabka sida ee Puntland meelkasta oo ay joogaan waxaan rabnaa inay u qabsadaan hawshoodii sidii ay u wateen oo ah, inay ilaaliyaan dalka, inay difaacaan xuduudeheenna iyo in ay qaranka u shaqeeyaan. Askariga Puntland reer maaha, qabiil maaha, gobolna maaha. Waa Askari u dhaartay inuu difaaco dalkiisa iyo dadkiisa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiweli Gaas.


Geesta kale, magaalada Garoowe ee caasimadda Maamul-goboleedka Puntland, waxa isla maanta shir gaar ah oo albaabbadu u xidhnaayeen ku yeeshay Madaxweynaha cusub ee shalay la doortay Siciid Cabdillaahi Dani iyo Taliyeyaasha Ciidammada Puntland iyo Saraakiil sarsare oo Ciidammada ka tirsan.Madaxweynaha Xafiiska ka tegaya ee Puntland Dr. Gaas, waxa uu sidoo kale baaq dejin ah u diray Shaqaalaha kala duwan ee dowlad-goboleedka Soomaliyeed ee Puntland, waxaanu yidhi; "Shaqaalaha dawladda Puntland shaqaale gobol maaha, shaqaale reerna maaha, waa shaqaale Puntland, dalkaan u wada shaqaynaa dhammaantayo. Wax la yidhaahdo kala guur ma jiro, kala wareeg is-beddel dawli ah oo si fiican u dhashay ayaa dalkeenna ka dhashay, saas in loo arkaan rabnaa, waxaan rabnaa inaan sidaas u wada shaqayno, madaxda cusubna la soo dhaweeyo.”

Inkasta oo aan Warbaahinta si rasmi ah loogu soo bandhigin waxay ka wadahadleen Madaxweynaha la doortay ee Puntland iyo Madaxda Ciidammada maamulkaasi, haddana wararka warbaahintu sida dadban u heshay waxay tibaaxayaan in arrinta ciidanka jiidda Tukaraq ka baxay iyo arrimaha adkaynta ammaanka Puntland la xidhiidha.