Sucuudiga:-Dawladda Sucuudiga Oo La Tacaalaysa Jirriqaa Madaw Oo Ku Degay Masaajidka Xaramka Ee Maka.

0
Friday January 11, 2019 - 14:07:36 in by salman abdi
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga:-Dawladda Sucuudiga Oo La Tacaalaysa Jirriqaa Madaw Oo Ku Degay Masaajidka Xaramka Ee Maka.

    Dawladda Sucuudiga Oo La Tacaalaysa Jirriqaa Madaw Oo Ku Degay Masaajidka Xaramka Ee Maka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Sucuudiga Oo La Tacaalaysa Jirriqaa Madaw Oo Ku Degay Masaajidka Xaramka Ee Maka.

Maamulka Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarama iyo Guddida Maamusha Masaajidka Barakaysan ee Xaramka ayaa bayaan wada jir ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay meel wanaagsan marinayaan dagaalkii ay kula jireen Xasharaadka Madaw ee maalmihii ugu dambeeyey sida weyn ugu habsaday guud ahaan Magaalada Makka Al Mukaramma iyo gaar ahaan Masaajidka weyn ee Xurmada leh.

Maalmihii ugu dambeeyey waxa baraha Bulshada la soo galiyay muuqaallo tilmaamaya kooxaha nadaafadda iyo la dagaalanka cayayaanka oo dagaal ba’an kula jira Jirriqaa Madaw oo ku habsaday Masaajidka Barakaysan ee Xaramka iyo agagaarkiisa kaasi oo meel walba fuulay oo sida koronkorta is dul tuulmay argagaxna ku abuuray dadka cimrada u yimid Masaajidka iyo kuwa salaadaha caadiga ahba ku tukanayay waxaanay maamulka Magaalada Makka Al Mukarrama iyo waliba Maamulka Masaajidada xurmada leh sheegeen in ay buufiyeen malaayiin Xasharaadkaasi Jirriqaaga ah ee Madaw oo ay wakhtigan ku hawlan yihiin sidii ay bakhtigiisa uga guri lahaayeen Gidaarrada Masaajidka, Barxadda Kacbada ee loo yaqaano saxanka Kacbada oo ah halka ay ku dawaafaan Xujaajta iyo dadka cimraysanayaa iyo waliab barxadda daaradda ee hareeraha Masaajidak xurmada leh.

 

Maamulka Masaajidka Xurmada leh ee Xaramku waxa ay sheegeen in ay la tacaalidda Jirriqaaga Madaw ee xaramka ku degay u adeegsadeen in ka badan 22 kooxood oo ah kuwa cayayaanka buufiya iyo waliba kooxaha nadaafadda u qaabilsan masaajidka kuwaasi oo qaarkoodna Jirriqaagan Madaw sun ku buufinayaan qaarna marka uu wada dhinto ay ururinayaan oo ay joonyado iyo kiishadh waaweyn ku daaad guraynayaan.

Waxa ay kooxahani si gaar ah u bartilmaameedsanayaan goobaha uu ku tartamo ee uu ugxanta dhiganayo oo ah gidaarrada hoostooda, meelaha dugsiga ah iyo goob kasta oo baydhsan oo uu dugsi iyo diirrimaad ka gelayo halka ay sidoo kale awoodda saaranaayaan nadiifinta Kacbada iyo hareeraheeda oo ay heegan ku yihiin boqollaal nin oo ah kooxaha nadaafadda iyo buufinta xasharaadku. Sidoo kalena bayaankan ayaa waxa lagu yidhi: "Hay’adda Guud ee Maamusha Arrimaha Masaajidka Xaramka iyo Masaajidka Nabigu iyaga oo kaashanaya Maamulka Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarrama waxa ay hannaan wada jir ah isaga kaashanayaan sidii ay Jirriqaagan uga cidhib tiri lahaayeen guud ahaan Magaalada Makka.

Waxa dadaalka oo dhan la isugu gayn doonaa sidii la isu waafajin lahaa ammaanka dadka Masaajidka ku cibaadaysanaya iyo waliba sidii loo baabi;in lahaa xasharaadkaasi sida weyn ugu habsaday Makka. Suntan lagu buufinayo xasharaadkani waxba ma yeelayso dadka waxaana lagu dadaali doonaa muddoda hawlgalkani socdo in dadka wacyi-gelin lagu siiyo in marka la buufinayo Jirriqaagan ay ka fogaadaan ama ka durkaan si aanay ugu neef qabatoobin dadka waayeelka ah iyo kuwa xanuusanayaa qaaca iyo hawada suntan”. Waxa xusid mudan in Xasharaadkan Jirriqaaga madaw ahi sanandihii la soo dhaafay uu fara baas ku hayay deegaamada Soomaalida.

Foore