Muqdisho:-Guddida Doorashooyinka Soomaaliya Oo Xilkii Iyo Xubinimadii Ka Qaaday Gudoomiye Ku Xigeenkii Iyo Sababta Keentay
Guddida madaxa banaan ee doorashooyinka soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyey xubin ka mid ah guddida.
Warka guddida doorashada soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegay in gudoomiye ku xigeenku uu jabiyey xeer adag oo guddidu lahayd isla markaana uu ku tuntay qodobo ka mid ah sharciga u yaala guddida iyada oo warka lagu xusay inuu ka faa,iidaystay awooda xilkii uu u hayey guddida doorashada.War ka soo baxay guddida doorashada soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedaymo soo taxnaa lixdii bilood ee ugu dambeeyey ay keeneen in xubinimadii iyo xilkiiba laga qaaday gudoomiye ku xigeenkii guddida doorashada Sayid Cali Sheekh Maxamed.
Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay gudoomiye ku xigeenka guddida doorashada ee xilka qaadista lagu sameeyey.