Madaxweynaha JSL oo Tacsi u diray Bahda Caafimaadka, Siyaasiyiinta, Qoyska iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Dr Axmed Jaamac Samatar (Dr Huu)
Tacsi Madaxweyne
Taariikh: 14/01/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa bahda caafimaadka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeMarxuum Dr Axmed Jaamac Samatar (Dr Huu) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2019, Magaalada Gabiley.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey rukun ka baxay bahda caafimaadka, aqoonyahanka iyo siyaasinta Jamhuuriyadda somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii dalka iyo dedaaladii loogu jiray horumarinta arrimaha bulshada ee uu caafimaadku ugu horeeyo oo uu marxuumku ku lahaa door muuqda oo aan la hilmaami karin, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay qaranka uguna danbeeyey wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee wakhtigii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda caafimaadka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.