Muuse Biixi Oo Ku Baaqey In Halka Uu Joogaba Laga Soo Qabto Gacan Ku Dhiiglihii Laayey Saraakiisha Iyo Faysal Oo Talooyin U Jeediyay Xukuumadda
Hoggaamiyayaasha labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, ayaa si adag uga hadlay dilkii Magaalada Qori-lugud loogu geystay Abbaanduulihii guutada 17-aad ee ciidamada qaranka, Marxuum Maxamed Yuusuf Mays iyo iyo taliyihii hawl-gelinta ee ciidankaasi, Marxuum Jaamac Bidaar, kuwaasi oo toddobaadkii hore askari ciidankooda ka tirsanaa toogasho ku dilay.
Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayey shir jaraa’id oo shalay lagu shaacinayey heshiis laga gaadhay khilaafkii diwaangelinta Madaniga ah, ayaa ku baaqey in si deg-deg ah loo soo qabto gacan ku dhiiglihii geystay dilka saraakiishaasi, waxayna tacsi u direen ehelka saraakiishaasi, ciidamada qaranka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland, iyaga oo ku baaqey inaan dilkooda la siyaasadeyn isla-markaana aan la qabyaaladeynin.
Guddoomiyaha UCID, oo ugu horeyn arrinkaasi ka hadlaya ayaa yidhi "Dhacdadii Qori-lugud ka dhacday waanu tacsiyeynaynaa, ogaadana inaynu Qaran nahay oo aynaan Qabaa’il ahayn, haddii askari ku dhintay hawl-gal, wuxuu ka dhintay qaranka, hadduu aagga Difaaca ku jiro, hadduu ku dhintay xabad saaxiib oo ku dhacday ama uu ku dhinto xabadda cadowga wuxuu halkaa u tagey oo uu direyska u qatey waa difaaca qaranka. In la siyaasadeeyo oo la qabyaaladeeyo qaran ku noqon maynno, waana fool xumo.
Halkaa aad joogtaan (Qori-lugud) waxa lagu dilay Taliyihii ciidamada Madaxtooyada oo reer Laascaanood ahaa, laakiin lama qabyaaladeynin, nin qaranka ka dhintey ayuu ahaa”
Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu dawladda u soo jeediyay in mararka ay falal noocaas ahi dhacaan ay shacabka u sheegto, haddii kale uu war xumo tashiilku wax kale u sheegayo "Dawladdu waa in marka fal dambiyeed dhaco ay ummadda u sheegto sida uu u dhacay weeyaan, oo ay tidhaahdo falkaafoosha xun-baa dhacay, sidaana wuu ku dhacay, Tacsidana waanu bixinaynaa, gacan ku dhiiglahana waalla soo qabanayaa, haddey intaa dawladdu gabto, waxa badanaya Maakhadaha oo dab ka shidaya, laakiin waa in (maakhadaha ka hor) dawladdu waa inay xaqiiqada wii dhacay ka hadashaa oo Taliyaha ciidamadu hadlaa oo yidhaahdaa sarkaal-baa iga dhintay oo gacan nin dambiile ah ayuu ku dhintay, markaasey ummaddu ogaaneysaa, haddii kale oo aan waxba loo sheegin kii xumaabaa wax xun u sheegaya. Markaa waxaan leeyahay aynu Qabyaaladda iska saaro, qaran-baynu nahaye, qofka dawladda u shaqeeyana xilkiisu wuxuu saaran yahay dawladda, dawladduna waa inay xilkeeda ka soo baxdo. Dadkay ka baxeenna waxaan leeyahay way innaga wada dhinteen labada (Sarkaalba)…”ayuu yidhi, Guddoomiyaha UCID, oo intaasi ku daray in loo baahan in dawladdu samayso ciidamo gaar u ah ka hor-tagidda Mudaharaaddada, halka ay shacabka uga dirto ciidamada RRU-da oo uu sheegay in loo abuurey la dagaalanka argagixisada "Dadkii Gabiley ku dhaawacmay (mudaharaadka) waxaan leeyahay ILAAHAY ha daweeyo. Dawladda waxaan leeyahay samaysta ciidan (Ka hor-taga) Mudaharaadka, waayo RRU-da waxa loo sameeyay Argagixisada, iinsha Allaah qaladkaana way qaadan doontaa (Dawladdu)…”
Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ka hadlay dilka saraakiisha "Saraakiisha ku dhimatay Qori-lugud, waxaanu ka Tacsiyadeynaynaa qaranka Somaliland iyo ciidamada qaranka iyo qoysaskoodii.
Arrinta ciidamadu way ka duwan tahay ta shicibka, markaa arrintaa waxaynu uga dambeynaynaa jaran-jarada ciidamada, Taliyaha guud ee ciidamadu waa Madaxwaynaha, waxa ku xiga wasiirka Gaashaandhigga, waxa ku xiga Taliyaha, Maxkamadahooda iyo sharcigoodu waa gaar, sidaa daraadeed waxaan jecelahay inaan arrintooda suuqa la soo dhigin oo aan la siyaasadeynin oo aan la innagu arbushin”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey "cid aan ka xumayn iyo muwaadin aanay taabanayn arrintaasi ma jirto, dhammaanteenna waxa innagu waajib ah in gacan ku dhiiglihii aynu soo qabanno oo la isugu tago, halka uu doono ha joogo, adduunyadana dhaafi maayo’e, wax alaale iyo wixii dambigaa ku lug lahaana (Sir iyo caad) waa in gacanta lagu soo dhigaa”
Guddoomiye Muuse Biixi, waxa kale oo uu sheegay "Waajibkeena kale waxa weeyaan inaan arrintaasi wanaag mooyaane aynaan buun-buunin, waayo waa wax gudaheenna, waana markii la isku duubnaan jiray, saxaafadda iyo Mucaaradkana waxaan jecelahay inay arrintaasi si miisaan leh u eegaan, ee aanay dab dhexdeena ka shidin”ayuu yidhi.
Contact@afkashacabka.com
Muse Bixi iyo Faysal Cali Waraabe siday uga hadleen Dilkii Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee Qorilugud
Muuse Biixi Oo Ku Baaqey In Halka Uu Joogaba Laga Soo Qabto Gacan Ku Dhiiglihii Laayey Saraakiisha Iyo Faysal Oo Talooyin U Jeediyay Xukuumadda