Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe JSL "Axmed Xasan Carwo" Oo Lagu Soo Dhaweeyey Bariga Magaalada London

0
Saturday January 19, 2019 - 14:19:00 in by salman abdi
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe JSL "Axmed Xasan Carwo" Oo Lagu Soo Dhaweeyey Bariga Magaalada London

    Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe JSL "Axmed Xasan Carwo" Oo Lagu Soo Dhaweeyey Bariga Magaalada London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe JSL "Axmed Xasan Carwo" Oo Lagu Soo Dhaweeyey Bariga Magaalada London
Bariga Magaalada London Ayaa waxaa shalay ka dhacday casho sharaf isugu jirtay soo dhaweyn iyo sii sagootin lagu maamuusay Agaasimaha Guud Baanka Dhexe S/land Md "Axmed Xasan Carwo". Kulankaasi oo ahaa mid soo dhaweyn iyo is wareysi ku saabsan : Waxaa halkaasi ka hadlay xubno ka tirsan Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye oo iyagu ka soo qayb-galay casho sharafta iyo soo dhaweynta Sida: Gudoomiyaha hayadda la-dagaalanka Budhcad Badeeda Md, Maxamed Cismaan Indhoole, Oday Xasan Faarax Jagac, Gudoomiye ku-xigeenka Kulmiye Uk Axmed Cabdilaahi Maxamuud "Axda" Siyaasi Cabdi-Qaadir Maxamud Guud-cadde "Qaadiro" iyo qaar kale.
 

Xubnahani saraakiisha sare-sare ahaa , Ayaa aad ugu Mahad-celiyey Agaasime Axmed Carwo Iyo Madaxda kale ee Baanka Dhexe Somaliland, kuna bogaadiyey hawlaha fiican ee dhinaca dhaqaalaha ay ka wadaan Somaliland , iyagoo aadna ugu dhiiri-galiyey inay dhamaantood hawlahoodda sii laban- laabaan si ay Somaliland Horumar Dhaqaale oo la taaban-karo u sameyso.
Waxay kaloo halkaasi Ay ka sheegeen inay markasta Xukuumadda kala shaqeynayaan danta Guud , Sidoo waxay sheegeen in ay tahay markasta in danta Xisbiga Kulmiye laga wadda mideysnaado oo laga wadda shaqeeyo.
Mudane Axmed Xasan Carwo oo isna hadalo kooban kulankaasi ka soo jeediyey ayaa aad ugu mahad-celiyey casho sharaftaasi qaaliga ahayd ee Jaaliyada Somaliland ee Bariga London Iyo Sarakiisha Xisbiga Kulmiye guud ahaan ay ku qaabileen.
Waxaana Agaasime Axmed Carwo uu warbixin guud kaga waramay xaalada guud ee dalka iyo gaar ahaan shaqada Bangiga iyo hawlaha fiican ee hadda socda,waxa uuna sheegay in ay hawlo badan oo qaybo ah qabteen siina wadayaan oo ah hawlaha naloo doortay Ayuu yidhi, Waxa uu ugu danbeyn kula taliyey Qurba-jooga reer Somaliland hadaad tihiin.Ayuu yidhi , in aad gacan weyn ka geysataan Markasta Midnimadda Horumarka iyo Maalgashiga dalka. waxayna xafladu ku soo dhamaatay sidii loogu tala galay iyo jawi farxadeed.