Nairobi:Muwaadin Somali Haysta Dhalashadda Dalka Britain Iyo Dhowr Qof Oo Kale Oo La Xidhay

0
Monday January 21, 2019 - 12:04:34 in by salman abdi
  • Visits: 416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nairobi:Muwaadin Somali Haysta Dhalashadda Dalka Britain Iyo Dhowr Qof Oo Kale Oo La Xidhay

    Nairobi:Muwaadin Somali Haysta Dhalashadda Dalka Britain Iyo Dhowr Qof Oo Kale Oo La Xidhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nairobi:Muwaadin Somali Haysta Dhalashadda Dalka Britain Iyo Dhowr Qof Oo Kale Oo La Xidhay

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Koox ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ee baadhitaanka ku haya Weerarkii Hotelka Dusit D2 ay ballaariyaan Baadhitaankooda, kadib, markii ay Boliska Degmadda Kituya ee W/bari ee dalkaasi sheegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo isugu jiray somali iyo Kenyan oo ku sugnaa 2 Hotel oo ku yaalla Degmadaasi.

Wargeysku waxa uu qoray in mid ka mid ah dadka la qabtay uu ka mid yahay Muwaadin Somali haysta Baasaboorka dalka Britain, waxaana Ninkaasi magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Xasan oo 47-jir ah.

Taliyaha Boliska Degmadda Kituya, Antooni Kamiyu waxa u u sheegay inay Ninkaasi ku soo qabteen Hawlgal ay shalay subax ka fuliyeen Hotellka lagu magacaabo Parkside Villa Hotel oo ku yaalla Degmadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyahaasi waxa uu magacyadda saddex kale ee ay hawlgalkaasi ku qabteen ku kala sheegay Muuse C/qaadir oo 25-jir ah, Axmed Idris Maxamed oo 24-jir ah iyo Maxamed Cabdi Cali oo 25-jir ah.

Wuxuuna intaasi ku daray inuu Muuse C/qaadir haystay dhalashadda Kenya, halka labada kale aysan wax aqoonsi wadanin.