Waa Kuma Qofka Farriinta Qoraalka Ah Usoo Dira Virgil van Dijk Ka Ciyaar Kasta Oo Liverpool Yeelanayso?

0
Monday January 21, 2019 - 18:05:30 in by salman abdi
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Qofka Farriinta Qoraalka Ah Usoo Dira Virgil van Dijk Ka Ciyaar Kasta Oo Liverpool Yeelanayso?

    Waa Kuma Qofka Farriinta Qoraalka Ah Usoo Dira Virgil van Dijk Ka Ciyaar Kasta Oo Liverpool Yeelanayso?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Qofka Farriinta Qoraalka Ah Usoo Dira Virgil van Dijk Ka Ciyaar Kasta Oo Liverpool Yeelanayso?
 

Difaaca Liverpool eeVirgil van Dijk ayaa daboolka ka qaaday in ka hor inta aanay bilaabanin ciyaar kasta oo kooxdiisu leedahay ay kusoo dhacdo farriin telefoon oo farxad gelisa, taas oo uu ka helo mid ka mid ah halyeeyadii Reds.

27 jirkan reer Netherlands oo Liverpool ay January 2017 lacag dhan£75 milyan kaga soo iibsatay Southampton ayaa noqday halyeyga khadka dambe ee difaaca ee xalliyey dhibaatadii Klopp ka haysan jirtay ilaalinta shabaqa, waxaanu muddo kooban ku kasbaday quluubta jamaahiirta iyo halyeeyadii hore ee kooxda soo maray, kuwaas oo mid ka mid ah uu mar walba dhiirigelin la garab taagan yahay.

Van Dijk waxa uu tibaaxay in tan iyo bilowgii horyaalka ee xili ciyaareedkan uu farriin ka helayeygii Liverpool ee Kenny Dalgish.

"Kenny Dalgish waxa uu isiiyey lambarka telefoonkiisa bilowgii hore, waxaanu ii sheegay inuu isoo wici doona mar walba. Waxa aan rumaysan kari waayaa in uu mararka qaarkood farriin qoraal ah ii soo diro ciyaaraha ka hor, laakiin sida Liverpool tahay ayaaba sidaas ah.” Sidaas waxa yidhi Virgil van Dijk oo ka sheekaynayey farriinta cajiibka ah ee uu helo ka hor ciyaar kasta.

"Sida kooxaha kaleba, Liverpool waxay leedahay sanduuq qarsoodi ah oo farriimaha loogu ururiyo ciyaartoyga. Anigu waxaan leeyahay sanduuq u gaar ah qoyskayga oo halkan yaalla. Si aad u tagto (farriintaad ugu rido), waa inaad u lugeyso oo aad raacdo tilmaamaha ku geynaya.” Ayuu ku daray.

 

Liverpool ayaa xili ciyaareedkan waxay horyaalka ku hoggaaminaysaa afar dhibcood oo ay ka sarrayso Manchester City oo kusoo xigta, xilli la ciyaaray kulamadii 23aad, waxaanay ku hamiyeysaa inay ku guuleysato Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii 1990-kii.