Roma:Raysal Wasaare Ku-xigeenka Talyaaniga Oo Tahriibka Afrika Ku Eedayay Dalka Faransiiska.

0
Thursday January 24, 2019 - 12:51:00 in by salman abdi
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roma:Raysal Wasaare Ku-xigeenka Talyaaniga Oo Tahriibka Afrika Ku Eedayay Dalka Faransiiska.

    Roma:Raysal Wasaare Ku-xigeenka Talyaaniga Oo Tahriibka Afrika Ku Eedayay Dalka Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roma:Raysal Wasaare Ku-xigeenka Talyaaniga Oo Tahriibka Afrika Ku Eedayay Dalka Faransiiska.

Raysalwasaare kuxigeenka Italy Luigi Di Maio iyo Madaxweynaha France Macron
Dowlada France ayaa si weyn uga carootay hadal uu soo jeediyey Raysalwasaare kuxigeenka Talyaaniga oo sheegay in tahriibta badan ee Afrika ka imaaneysa ay sabab u tahay burburka Dhaqaale ee uu Faransiiska ku hayo Qaarada Afrika tan iyo xiligii gume


RW/kuxigeenka Italy, Luigi Di Maio oo todobaadkan khudbad kasoo jeediyey magaalada Qaahira ee dalka Masar oo uu safar ku joogay ayaa eedeyn weyn dusha uga tuuray dalka France oo ay ka wada tirsan yihiin Midowga Yurub.

Xiriirka France iyo Italy ayaa sii xumaanayey tan iyo markii ay awooda Talyaaniga la wareegeen xisbiga mayilka adag ee 5 Stars loo yaqaan, isbaheysigaasi xisbiyada Talyaaniga ayey ku jiraan xisbiyada xagjirka ah ee sida weyn uga soo horjeeda Afrikaanka Tahriibta ku tagaya dalkaasi.

Khudbada uu soo jeediyey Luigi Di Maio Axadii lasoo dhaafay ayuu ku sheegay in hada wax badan uu ka bedalay hadaladiisa ka dhanka ahaa Tahriibta isla markaana uu hada kadib ka hadli doono wax sababa Tahriibta, isagoo sheegay in sababaha ugu waaweyn oo ay Tahriibayaasha Afrika u imaanayaan Yurub ay tahay, maadaama wadamo badan oo ka tirsan Afrika ay dhaqaale xumo ka jirto taasi oo uu sheegay inay sabab u yihiin dalalkii Gumeystayaasha ahaa ee reer Yurub oo qaarkood weli si dad-ban u gumeysta dhaqaalaha Afrika, isagoona sheegay in dalka France ugu horeeyo wadamadaasi burburiyey dhaqaalaha Afrika.

"…Sababta burburka ku keenaysa Afrika waxaa weeye Gumeystayaashii Yurub oo qaarkood weli aan joojin gumeysigii ay ku hayeen Afrika, maaha in dhalinyarada Afrika ku dhintaan xeebaheena…”

"…France kama mid ahaateen wadamada ugu dhaqaalaha badan Caalamka hadii aysan heysan lahayn wadamo ay gumeysato..” ayuu yiri Luigi Di Maio si gaar ah uga hadlay Lacagta Franc oo ay isticmaalaan ugu yaraan 14 wadan oo Afrikaan ah in weli laga maamulo Bangiga Dhexe ee France.

Hadaladan ayaa keenay in dowlada France ay u yeerto Safiirka Talyaaniga wadankooda u fadhiya iyagoo codsaday in dowlada Italy ay raali gelin ka bixiso hadalada kasoo yeeray Raysalwasaare kuxigeenkooda, balse Luigi Di Maio ayaa sheegay inuu ku adkeysanayo hadaladiisa.

Luigi Di Maio oo diiday inuu raali gelin siiyo France ayaa markale sheegay in France ay boob ku heyso khayraadka Afrika. "…Waxaa tusaale kuugu filan waxa Faransiiska ka wado dalka Liibiya, ma rabaan inuu dalkaasi horumaro kaliya waxay daneenayaan Shidaalka dalkaasi ku jira, waxayna kasoo horjeedaan in Talyaaniga shidaalkaas isna ka faa’iideysto…” ayuu yiri Raysalwasaare kuxigeenka Talyaaniga.

Italy iyo France ayaa loolan xoogan ugu jira dalka Liibiya siyaasadiisa iyadoo wadamadaasi oo ka tirsan NATO ka mid ahaayeen kuwii burburiyey xukuumadii Col.Mucamar Al Qadafi