Guurka Oo La Ogaaday In Uu Dhiso Lafaha Raga,Kana Badbaadiyo Cuduro Halis Ah

0
Monday March 03, 2014 - 10:02:03 in by Super Admin
  • Visits: 1518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guurka Oo La Ogaaday In Uu Dhiso Lafaha Raga,Kana Badbaadiyo Cuduro Halis Ah

    Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro Maraykan ah, ayaa shaacisay in guurku ragga ka badbaadiyo cudurrada wadne-xannuunka iyo kansarka, isla markaana uu lafahooda ka dhigo qaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro Maraykan ah, ayaa shaacisay in guurku ragga ka badbaadiyo cudurrada wadne-xannuunka iyo kansarka, isla markaana uu lafahooda ka dhigo qaar

Waa markii ugu horraysay ee taariikhda la ogaado in guurka iyo tayadiisu ay xidhiidh la leeyihiin lafaha qofka sida uu sheegay Dr. Carloyn Crandall oo ah khabiir caafimaadka ka dhiga Jaamacadda UCLA ee Maraykanka

Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro Maraykan ah, ayaa shaacisay in guurku ragga ka badbaadiyo cudurrada wadne-xannuunka iyo kansarka, isla markaana uu lafahooda ka dhigo qaar xooggan markuu ninku ku guursado isagoo 25 jir ka weyn.

 

 

Cilmi-badhayaashani waxay ogaadeen in ninka guurka fiican guursada ama xaaskiisu u fiican tahay uu jidh ahaan dhismo, marka loo eego ragga xaasaskooda inta badan ay kala tagaan ama aan guursan-ba.

 

 

Khubaradani waxay shardi ka dhigeen da’da uu ninku ku guursanayaa ka weynnaato 25 jir, halka ay tilmaameen ninka da’daa ka hooseeya in lafaha jidhkiisu diciifaan hadduu yaraan ku guursado.

 

 

Daraasaddan oo lagu daabacay wargeyska la yidhaa Osteoporosis International, waxba

kamay sheegin sida haweenku ku noqdaan guurka, balse waxay ku saabsanayd xidhiidhka guurka wanaagsan ee ragga iyo caafimaadkooda ka dhexeeya