Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan La Qaatay Aqoonyahan Dunida u Bandhiga Qaddiyadda Somaliland

0
Saturday February 09, 2019 - 16:47:24 in by salman abdi
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan La Qaatay Aqoonyahan Dunida u Bandhiga Qaddiyadda Somaliland

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan La Qaatay Aqoonyahan Dunida u Bandhiga Qaddiyadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan La Qaatay Aqoonyahan Dunida u Bandhiga Qaddiyadda Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Aqoonyahan Michael Rubin oo ah madaxa maxadka American Enterprise Intitute isla markaana ah khabiir wax badan ka qoray qaddiyadda madax-bannaanida, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka Somaliland ka hanaqaaday oo uu in badan beesha caalamka u bandhigay.
Aqoonyahankan ayaa qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland ugu dooda warbiximo iyo qoraalo uu la wadaago warbaahinta caalamka, isagoo beesha caalamka u sharaxa dawlad-wanaaga, horumarka iyo doorashooyinka ka hirgalay Somaliland oo ay waddamo badan oo caalamka ah ay kaga horumarsan tahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxa uu aqoonyahankaa ku bogaadiyey sida uu ugu doodo qadiyada Madax-bannaanida iyo horumarka Somaliland uguna heelan yahay inuu wax ka qoro.
Aqoonyahankan oo ka dareen celinaya safarkiisa uu ku yimid Dalka Somaliland oo uu in badan wax ka qoray ayaa madaxweynaha u sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka dalka uu u doodo ee Jamhuuriyadda Somaliland, Wuxuuna booqandoonaa goobo muhiima oo ka mida dalka, isagoo ku hawlan sidii uu beesha caalamka ula-wadaagi lahaa heerka waxbarashada tacliinta sare ee dalku ku tallaabsaday, madaama uu maamulo xarun waxbarasho oo heer caalami ah kuna taala dalka Maraykanka.
ALLAA MAHAD LEH 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.