Kulmiye dhibka uu hantida iyo dawladnimadda u gaystay waxa ka weyn gummaynta maskaxeedd

0
Sunday February 10, 2019 - 16:19:43 in by salman abdi
  • Visits: 1542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulmiye dhibka uu hantida iyo dawladnimadda u gaystay waxa ka weyn gummaynta maskaxeedd

    Kulmiye dhibka uu hantida iyo dawladnimadda u gaystay waxa ka weyn gummaynta maskaxeedd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulmiye dhibka uu hantida iyo dawladnimadda u gaystay waxa ka weyn gummaynta maskaxeedd
Waxaa innoo sii dhamaanaaya irraabkii sunta ahaa ee Sagaalkii sanno ee u denbeeyay ay inagu qulaaminayeen xukuumadaha isku xisbiga ka dhashay ee Kulmiye.

dawadaa dilaaga ah oo ay ugu talogaleen in ay ku tirtiraan,Gobonimadda,shucuurka waddaniyadeedd,Garaadka-san,awoodda wax doonista iyo wax diidmada,ilaalinta iyo difaacida hantida qarran,haybada iyo sharafta dawladnimo,midnimadda iyo wadajirkeena,iyo tan ugu weyn oo ah awood midaysan oo shacabku xaqiisa ku dhacsan karo kulana xisaabtami karo madaxdoodda ay dirsadeen,waxaanay  sidoo kale ragaadiyeen haykalkii dawladnimo iyo ku dhaqankii sharciga.

Golihii wakiiladda ee la xisaabtami lahaana waxay ka dhigeen waax ka mid ah golaha fullinta.

Hadaladda maalmahan ka soo yeedhaayay Wasiirkeena Maaliyadda waa tijaabooyinkii u denbeeyay ee shacab ahaan lagu hubinaayay in aynu sifiican u qaadanay irrabkaa iyo in kale waxaan muuqata in aynu sifiican u dhamaysanay dawadaa sumaysan,oo waa inagaa maqlayna culimo iyo caamo,siyaasi iyo aqoonyahanba waxaa maalin walba la inaga hor shubaayo ee caqligasani aqbali karin.

Waar mayna sidda ahayn marka la inaga la yahay boqol qof oo ka dhiidhiya waxaa ina dhex socoda ee la inagu dhaxal wareejiyay oo mudaharaad Salmi ah iskugu soo baxa.

Waxaanna nasiib darro aad u weyn ah 28-kaa sanno ee aynu dawlada ahayn in shacab ahaan wax badani inooga bixin fahanka dawladnimo iyo dimuqraadiyay aynu soo amaanaysanay.

waayo hadday wax inooga baxsan yihiin waxaa maanta ay reer kulmiye inagula soo dhacayaan kumay dhaceen in ay dhagaheena maqashiiyaan haddii dhagaheennu maqlaana waxa ay ka cabsi qabi lahaayeen in ay ka dhashaan kacdoono dadweyne oo keensan kara in ay ku waayaan xukunkooda.


"Intuu maanku gaajaysan yahay guulli waali".


Garyaqaan Abdirahmaan jama.