Kenya:-Ganacsatada Qaadka Wadanka Kenya U Hanjbay Somaliya Iyo Ujeedada Hanjabadooda

0
Monday February 18, 2019 - 11:21:35 in by salman abdi
  • Visits: 392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:-Ganacsatada Qaadka Wadanka Kenya U Hanjbay Somaliya Iyo Ujeedada Hanjabadooda

    Ganacsatada Qaadka Wadanka Kenya U Hanjbay Somaliya Iyo Ujeedada Hanjabadooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada Qaadka Wadanka Kenya U Hanjbay Somaliya Iyo Ujeedada Hanjabadooda

Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca sohdinta badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya.

Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa maalinta walba u soo dhoofiya Soomaaliya 50 tan , iyadoo dowladda Kenya ay ka hesho suuqa Qaadka ee Soomaaliya 100 milyan oo Kenya shilling ah.


"Kuma iibsan karno Qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay mar walba ku gooddisaa inay joojinayso Qaadka Kenya , si ay usoo jeediso dareenka dowladda” sida waxaa yidhi afhayeenka ganacsatada Qaadka Kenya, Kimithi Munjuri.

Waa markii ugu horeysay oo go’aan noocan oo kale ah ay gaaraan ganacsatada Qaadka ee Kenya, iyadoo la og yahay in Soomaaliya tahay lafbarka ugu weyn marka la eego dhaqaalaha Kenya ka soo gala ka ganacsiga caleenta Cagaaran ee ‘’Qaadka’’

Dowladda Soomaaliya ma ay soo hadal qaadin marnaba in ay jareyso xidhiidhka ganacsi ee kala dhaxeeya dowladda Kenya oo kan ugu weyn yahay Qaadka si joogta ah looga soo dajiyo guud ahaanba dalka.