Riyadh:-Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudigu Uu Iibsanayo Kooxda Manchester United?

0
Tuesday February 19, 2019 - 10:05:18 in by salman abdi
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riyadh:-Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudigu Uu Iibsanayo Kooxda Manchester United?

    Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudigu Uu Iibsanayo Kooxda Manchester United?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudigu Uu Iibsanayo Kooxda Manchester United?

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa war ka soo saartay hadal in muddo ah la isla dhex marayay oo ku saabsan in dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan uu doonayo inuu iibsado kooxda Manchester United ee ka dhisan dalka Ingiriiska.

Wasiirka warfaafinta ee Sacuudiga ayaa sheeg ay in dhaxal sugaha aanu qorsheyneyn inuu iibsado kooxda ka dhisan horyaalka Premier League-ga ee Manchester United, iyadoo beenisay warar la isla dhex marayay waadanba.

Hase yeeshee, wasiirka ayaa intaas ku daray in kaliya uu jiray kulan lala yeeshay hay’ad sacuudiga laga leeyahay oo wax maalgalisa, kaasoo ku saabsanaa sidii kooxda dhaqaale loogu maalgashan lahaa.

Maxaad ka taqaan Maxamed Bin Salmaan?
”Maxamed Bin Salmaan wuu waalanyahay”
CIA-da Maraykanka oo Maxamed Bin Salmaan ku eedeeysay dilkii Kaashaqji
Wasiirka warfaafinta boqortooyada Sacuudiga oo lagu magacaabo Turki al-Shabanah ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray sidan: "Wararka ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu iibsanayo kooxdaas waa kuwo ‘gabi ahaanba been abuur ah’ oo aanay walba ka jiri”.

Wuxuu ka jawaabayay macluumaad la isla dhex marayay oo ku aaddanaa in dhaxal sugaha uu xiriir la sameeyay qoyska ganacsade Malcolm Glazer, oo ah milkiilaha kooxda United, si uu isagu ula wareego kooxdaas.

"Manchester United mas’uuliyiinteeda ayaa la kulmay hay’adda PIF Saudi, si ay ugala hadlaan fursad maalgalin ah, mana jirin wax heshiis kala gadasho ah oo lasoo hadal qaaday”, ayuu qoraalkiisa Twitter-ka ku yiri Shabanah.

Maalintii Aaxadda ahayd ee dabayaaqadii isbuuca ayuu wargeyska kasoo baxa dalka Ingiriiska ee the Sun sheegay in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga uu damacsan yahay inuu kooxda Manchester United ku iibsado adduun lacageed oo gaaraya $4.9 bilyan oo doolar.

Wargeyska ayaa sheegay in isku dayga markii ugu horreysay lasoo bandhigay bishii Oktobar, balse niyad jab ka yimid markii wariyihii Sacuudiga u dhashay ee lagu magacaabi jirsay Jamaal Khaashuqji lagu dhex jilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istambul.

Manchester United ayaa lagu tilmaamaa iney ka mid tahay kooxaha kubadda cagta ee ugu taageerada badan caalamka.