Cabaareyn loo jeedinayo falkii kufsiga iyo dilka isugu jiray ee lagula kacay Caa'isho Ilyas

0
Tuesday February 26, 2019 - 13:04:42 in by salman abdi
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabaareyn loo jeedinayo falkii kufsiga iyo dilka isugu jiray ee lagula kacay Caa'isho Ilyas

    Cabaareyn loo jeedinayo falkii kufsiga iyo dilka isugu jiray ee lagula kacay Caa'isho Ilyas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabaareyn loo jeedinayo falkii kufsiga iyo dilka isugu jiray ee lagula kacay Caa'isho Ilyas

Bulshada Soomaaliyeed ayaa siyaabo siweyn uga fal celisay falkii kufsiga iyo dilka isugu jiray ee lagula kacay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir ah aheyd, taas oo meydkeeda laga helay meel aan ka fogeyn guriga ay ka deganaayeen qoyskeeda magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in wax is qaban karo aheyn falka lagula kacay Caa’isho iyo heer ay waqtigan mareyso Ilbaxnimada dunida, isaga oo ku tilmaamay kuwa falkan geystay dhalinyaro Daraagis oo hadba sameeya wixii ay la noqoto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in laamaha Amniga looga baahan yahay in ay qaadaan tallaabo deg deg ah si loo soo heli dadkii ka danbeeyay falkan lagu dilay gabadha yar.

‘’Waayadan waxaa soo badanaya dhaqamo aad u xun xun oo dib noogu celinay wixii aan ka soo gudubnay, Dadka aan ku tuhmeynay in Aqoontoodu korartay, nolashii dunida marteen, caalamku u furmeen oo Tiknoolajiyadu heer wanaagsan gaartay, ayaa haddana waxaa barbar socda dhaqmo aad iyo aad u xun xun , waxaa ka mid ah wax yaabaha dhacaya falkii lagu kufsaday ee misana lagu dilay Caa’isha Ilyas oo aheyd gabar yar oo 12 jir ah magaalada Gaalkacyo’….. Kuwa falalka noocaa ah ku kacaya waa dhalinyaro Daraagis ah oo hadba sameynaya wixii ay la noqoto’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Laakiin Shacabka magaalada Gaalkacyo gaar ahaan haweenka oo arintan aad uga xumaaday ayaa ugu baaqay maamulka Puntland iyo hay’addaha Amaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo dhigo dadkii ku kacay falkan arxan darrada ah, iyaga oo eeda ugu badan u jeedinayay haweenku Ragga oo ay ku tilmaameen kuwo intooda badan aan turin Dumarka.

Baraha iyo bulshadu ku wada xiriirto saacadihii ugu danbeeyay qoraalada leysku dhaafsanayay waxaa ay ahaayeen kuwo ka hadlayay dilka Caa’isha oo ay ku tilmaameen mid aan horay u dhicin in Gabar da’daa jirta leysugu daro Kufsi iyo dil, waxaana ay dadku ka sinaayeen in ay cod-sanayeen in cadaallada la hor keeno kuwaa falkaa geystay.

Hay’addaha Amaanka ayaa sheegay in dhaqaatiir baaritaan ku sameysay meydka gabadha cadeeyeen in lagula kacay Kufsi kaddib-na si xun loo jir dilay, waliba iyada oo qeybo ka mid ah jirkeeda la jar jaray.

Saraakiishu waxaa ay intaa ku dareen in ay hayaan cadeymo aan badneyn iyo dad la tuhusan yahay laakiin waliba dhinaca kale baaritaanku socdo.