Xisbiga wadani dad siyaasada wax ka yaqaana fagaaraha ha keenaan.

0
Thursday February 28, 2019 - 23:32:01 in by salman abdi
  • Visits: 1902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga wadani dad siyaasada wax ka yaqaana fagaaraha ha keenaan.

    Xisbiga wadani dad siyaasada wax ka yaqaana fagaaraha ha keenaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga wadani dad siyaasada wax ka yaqaana fagaaraha ha keenaan. Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxafada gaar ahaan guud ahaan."ascw".

Waxaan aad iyo aad ula yaaba Xisbiga wadani iyo qaabka ay tahey siyaasadiisu ama barnaamujkiisu!

Waxaad arkaysaa iyagoo had iyo jeer buunbuuniya warar aan sal iyo raatoona laheyn,dalka iyo dadkana wax weyn u dhimaaya ama burburinaaya. Waxa kale ood arkaysaa iyagoo ha hadlaaya dad dalkan cadow ku ah una sameynaaya dhiiri galin ,shacabka somaliland iyo qadiyadoodna hoos u dhigaaya!.

 

Waxa kale ood arkaysaa iyagoo warbaahinta keenaaya dad wax ma garato ah!,oo sida ay doonaan u hadla amaba aan waxba xeerin,ujeedadoonina aaney dhaafsiisneyn cadho iyo caytan.
Sidaasi darteed waxaa waajib ah in xubnaha Xisbigaasi matala xaga maamulka iyo warbaahinta ay fahmaan cida ay wax yeelayaan iyo waxan ay ka hadlayaan waxa uu yahay balse sheekadu aaneyn noqon uun waxbaa la caayaa ee cayda yaan lagaa badin.

Waxa runtii ummada reer somaliland ceeb ku ah in maalin kasta ay Tv yada soo hor fadhiistaan dad sheeganaya magacyo iyo mansabyo xisbiga wadani ahi.

Dadkaasi waa afayeen ku sheeg,xoghaye ku sheeg, waxa kale ood arkeysaa in ay kuligood wada afayeen yahiin ,sida ay cayda iyo aqoonxumada uga simanyahiin.

Hadaba marka qof ama masuul uu ka hadlaayo ama wax ka sheegaayo xukumad ama dal , waa in uu yahey qof kala garanaya waxa uu ka hadlaayo iyo cida uu la hadlaayo.

Xisbiga wadani iyo xubnahan inta badan Tv-yada uga qayliyaa waa kuwo aan kala garaneyn dhaliisha iyo cayda.Mida kale waxey isleeyahiin muuse biixi iyo xukumadiisa dhaliila kolkaasay dalkii oo dhan duminayaan ama ay bulshada niyad jabinayaan.

Waxaan xubnahaasi la gudboon in ay soo qaataan casharo siyaasada iyo anshaxa iyo sirta wadanka in ay soo bartaan marka hore,ka dibna ay xisbiyada galaan ama afayeeno noqdaan ama xoghayaal.

Balse hadii kii suuqa iska joogay ee inta uu maalamo yar iskuul tagey siyaasiga noqday een aqoon iyo khibrad iyo tababartoona la siin, xaalkiisu maahan dilaalkii saylada jooga?

Waadmahadsantahiin.

Qore.:Tahir hussein.