Dibaada;Wasiirka arrimaha dibadda kenya oo BBC-da uga warrantay khilaafka kala dhaxeeya soomaaliya

0
Friday March 01, 2019 - 18:04:50 in by salman abdi
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibaada;Wasiirka arrimaha dibadda kenya oo BBC-da uga warrantay khilaafka kala dhaxeeya soomaaliya

    Dibaada;Wasiirka arrimaha dibadda kenya oo BBC-da uga warrantay khilaafka kala dhaxeeya soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibaada;Wasiirka arrimaha dibadda kenya oo BBC-da uga warrantay khilaafka kala dhaxeeya soomaaliya

Waxaa laba isbuuc laga joogaa markii khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhexgalay dalaka Kenya iyo Soomaaliya oo ku muransan xadka badda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Monica Juma oo wareysi gaar ah siisay laanta af Soomaaliga ee BBC-da aya waxay ka hadashay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay bal in ay hayaan caddeymo muujinaya in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay "xaraashtay " shidaal ku jira dhul ay sheegtay inay leeyihiin.

"Ma aha maclumaad ay Kenya hayso ee waa xogta ay Soomaaliya ay hayso ee ay dunida u soo bandhigtay, waxaana magaalada Capetown looga dhawaaqay markii ay doonayeen inay xaraashaan xirmooyin shidaal oo ku




yaalla badweynta Hindiya, kuwaasoo ay ku jireen xirmooyin ku yaalla dhulka kenya. Shirkii 7-dii Febraayo ee London wuxuu xaqiijiyey hadalkii dowladda Soomalaiya , sidaa darted ma aha akhbaarta ay Kenya hayso ee waa akhbaar ay Soomaaliya hayso, kaasoo aan ka dalbanay inay ka noqdaan" Ayay tiri Monica Juma.

 

Mar ay BBC-du wax ka weydiisay cunaqabateynada ay horay u shegeen ee ay Soomaaliya kusoo rogi karaan ayaa waxay tiri: "Wax kasta ayaan ka baaraan degaynaa, arrinta ugu horraysa ee aan ka baaraan degayno waxay tahay in aan Soomaaliya ka helno jawaab kala caddaynaysa arrimahan, sidaa awgeedna waxaan rajayanaynaa in aan jawaabtaas ayaga ka helno". Ayay raacisay.

Inkastoo arrinta badda ay tahay mid hortaala maxkamadda cadaaladda adduunka ayaa haddana dowladad Kenya waxaa la aaminsan yahay in arrinta ay meel sare gaarsiisay, kadib markii ay u yeeratay safiirkii ka joogay Soomaaliya, midka Soomaalidana ku amartay in uu dib ugu laabta Muqdisho.