Ciyaaro;Golhayaha Kooxda Chelsea Oo Lagu Ganaxay Amardiido Usameyay

0
Friday March 01, 2019 - 18:17:07 in by salman abdi
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaro;Golhayaha Kooxda Chelsea Oo Lagu Ganaxay Amardiido Usameyay

    Ciyaaro;Golhayaha Kooxda Chelsea Oo Lagu Ganaxay Amardiido Usameyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaro;Golhayaha Kooxda Chelsea Oo Lagu Ganaxay Amardiido Usameyay

Gool hayaha kooxda Chelsea Kepa Arrizabalaga ayaa lagu ganaaxay in aan la siinin mushahar hal todobaad ah taasoo ciqaab u ah amar diidmadii uu sameeyey ciyaartii kama dambaysta ah ee koobka EFL oo ay isku wajaheen kooxda Man City.

Kepa ayaa sidoo kale raalli galin ka bixiyay habkii uu u dhaqmay, iyadoo ciyaartaasna ay guul darro kasoo gaartay kooxdiisa.

Ciyaartoygan goolka ilaaliya oo u dhashay dalka Spain ayaa si cad uga soo horjeestay in lagu baddalo gool haye Willy Caballero, iyadoo markaas uu gabo gabo ku dhawaa wakhtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta oo ka dhacday garoonka Wembley ee magaalada London.

"Inkastoo uu




jiray isfaham waa, waxaan sameeyay khalad weyn mana ahayn inaan sidaas u wajaho xaaladda", ayuu yidhi Kepa oo raalli galintiisa ay qeyb ka ahayd bayaan kasoo baxay Chelsea.

 

Tababaraha kooxda Maurizio Sarri ayaa sheegay in tan iyo xilligaas ay si wanaagsan u wada hadleen isaga iyo gool hayaha.

Sarri, oo markii Kepa uu diiday in la baddalo aad u carooday ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadaas ay salka ku heysay isfaham darro.

Balse wuxuu intaas ku daray in Kepa uu garowsaday khaladkiisa.

Chelsea ayaa mushaarka isbuuca ah ee loo diiday gool hayaha waxay ugu deeqi doontaa hay'adda dhinaca samafalka u qaabilsan kooxdan ee la yiraahdo Chelsea Foundation.