Shirkadda Facebook oo ay soo foodsaartay cilladdii ugu waynayd taariikhda

0
Thursday March 14, 2019 - 07:20:30 in by salman abdi
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Facebook oo ay soo foodsaartay cilladdii ugu waynayd taariikhda

    Shirkadda Facebook oo ay soo foodsaartay cilladdii ugu waynayd taariikhda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Facebook oo ay soo foodsaartay cilladdii ugu waynayd taariikhda

Barta Facebook ee ay bulshadu ku xiriirto ayay soo wajahday ciladdii ugu waynayd taariikhda, iyadoo adeegyadii ugu mihiimsanaa ay cilado galeen, dadka dunida kala jooga ee isticmaalana ay adeegsan waayeen Arbacadii.

Markii ugu dambaysay ee cilad baaxadan ku dhaw ay soo wajahdo waxay ahayd sannadkii 2008, markaas oo dadka isticmaala ee dunidu ay ahaayeen 150 milyan halka ay hadda bil kaste ka isticmaasho 2.3 bilyan oo ruux.

Cilladan ayaa saamaysay adeegyada ugu waawayn Facebook sida labada App ee Messenger iyo WhatsApp oo fariimaha la isaga diro iyo Instagramka oo sawirrada lagu wadaago.

Wali lama shaacin waxa sababay ciladdan.

"Waxaan ka war qabnaa in dadka qaar ka mid ah aysan hadda isticmaali karin Facebook iyo App-ka ay isku bahda yihiin" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Facebook.

"Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ciladdan loo soo af jari lahaa sida ugu dhakhso badan".

Shirkadda oo ka jawaabaysa warar la isla dhex maray oo sheegaya in shirkaddu ay adeegga u joojisay si ay u baajiso weerar dhanka Internetka ah oo lagu soo qaaday, ayaa sheegtay in arrintu aysan sidaas ahayn.

Ciladdu baaxad intee la eg ayay leedahay?

Waxaa la qiyaasayaa in cilladani ay billaabatay 16:00 GMT ama 7:00 fiidnimo ee saacadda Bariga Afrika.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaana billaabay in ay ka cawdaan in aysan waxba ku qori karin ama sawirro dadka la wadaagi karin.

Dadka Instagram-ka isticmaala ayaa iyaguna awoodi waayay in ay bogga cusboonaysiistaan si ay sawirro cusub u arkaan