Nayansa:-Ruwanda Oo Xukun Ku Riday 15 Qof Oo Lagu Eedeeyey Inay Xidhiidh La Leeyihiin Al-Shabaab Iyo Daacish

0
Saturday March 23, 2019 - 11:39:05 in by salman abdi
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nayansa:-Ruwanda Oo Xukun Ku Riday 15 Qof Oo Lagu Eedeeyey Inay Xidhiidh La Leeyihiin Al-Shabaab Iyo Daacish

    Nayansa:-Ruwanda Oo Xukun Ku Riday 15 Qof Oo Lagu Eedeeyey Inay Xidhiidh La Leeyihiin Al-Shabaab Iyo Daacish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nayansa:-Ruwanda Oo Xukun Ku Riday 15 Qof Oo Lagu Eedeeyey Inay Xidhiidh La Leeyihiin Al-Shabaab Iyo Daacish

Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxay shalay oo Jimco ahayd xukun ku riday 15-qof, kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo Daacish iyo inay taageero siiyaan.

Eedeysanayaasha oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Nayansa ee Koonfurta dalkaasi, waxay 13 ka mid ah dadkaasi ku xukuntay min 5 sanno, halka 2 kalena lagu xukumay xabsi 10-sanno, iyadoo 25 kalena la sii daayey.

Mid ka mid ah dadka la xukumay oo lagu magacaabo Salim Fundi waxaa lagu eedeeyey inuu ahaa Xidhiidhiyaha dadka ku sugan gudaha Ruwanda ee doonayey inay ku biiraan Daacish, sidaa waxaa yidhi Garsoore Eugene Nadagijimanaoo isagu xukunka ku riday Eedeysanayaashaasi.

Sidoo kale, Eedeysanayaasha la xukumay waxaa ka mid ahaa 3 Haweene, oo 2 ka mid ah lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Casaimadda dalkaasi ee Kigaali, iyadoo ku sii jeeday dalka syrai si ay ugu biirto Kooxda Daacish, halka haweeneyda kale lagu helay inay Eedeysanayaasha ku taageerto 1,000 Dollar oo ay ku iibsadaan Tikidhada Duullimaadkooda.

Dhinaca kale, Boliska dalka Ruwanda waxay bishii Janaayo ee sannadkii 2016-kii gacanta ku dhigeen 40 qof oo lala xiriirinayo Alshabaab iyo Daacish, waxayna qabashadooda xilligaasiku soo beegantay wax yar hal isbuuc, kadib, markii ay Boliska toogasho ku dileen Waddaad lagu magacaabi jirey

Maxamed Mugemangango, oo ay ku eedeeyeen inuu dhallinyarada dalkaasi ku dhiiri-gelin jirey inay ku biiraan Kooxaha Alshabaab iyo Daacish, waa sida hadalka loo dhigay.