Ankara:-Turkiga Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
Sunday March 24, 2019 - 10:17:59 in by salman abdi
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ankara:-Turkiga Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Ankara:-Turkiga Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ankara:-Turkiga Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Dawladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarradii Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku dhinteen in ka badan 10 qof.

War ka soo baxay Wasaarrada arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga si adag u cambaareyneyso weerarrada Qarax-yada loo adeegsaday oo lagu bartilmaameedsaday laba dhismo wasaaraddeed iyo dilka wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya.
‘’Waxaan tacsi u direynaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay, kuwa dhaawac ahna waxaa u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah’’ ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaarradda arrimaha dibidda Turkiga.

Ma’uuliyada qaraxyadii shalay ka dhacay waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab oo dagaal ba’an kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee taageerada millatari siiya.