Lionel Messi Oo La Weydiiyay Shanta Xiddig Ee Dunida Ugu Fiican Kubadda Cagta – Miyey Liiska Ku Daray Cristiano Ronaldo?

0
Saturday March 30, 2019 - 18:12:33 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo La Weydiiyay Shanta Xiddig Ee Dunida Ugu Fiican Kubadda Cagta – Miyey Liiska Ku Daray Cristiano Ronaldo?

    Lionel Messi Oo La Weydiiyay Shanta Xiddig Ee Dunida Ugu Fiican Kubadda Cagta – Miyey Liiska Ku Daray Cristiano Ronaldo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi Oo La Weydiiyay Shanta Xiddig Ee Dunida Ugu Fiican Kubadda Cagta – Miyey Liiska Ku Daray Cristiano Ronaldo?
 

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa la weydiiyay shanta xiddig ee ugu fiican kubadda cagta wakhtigaan, balse liiska nafsad ahaantiisa wuu iska saaray, sidoo kalana kama soo muuqan xiddiga ay wax badan tartamaan ee Cristiano Ronaldo.

Sida hubantida ah Messi wuxuu labadooda magac galiyay qaanad kale taasoo ka sarreysa qof walba oo kale, wuxuuna liiska ciyaartoyda uu magacaabay ka saaray Mohamed Salah oo sanadkii hore ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan Premier League.

Lionel Messi wuxuu doortay ciyaartoyda kala ah:Kylian Mbappe,Neymar,Eden Hazard,Luis Suarez iyo Sergio Aguero.

Su’aashaan waxaa la weydiiyay xilli uu wareysi siinayay idaacadda94.7, wuxuu doortay saddex xiddig uu ka garab ciyaaray, balse Mbappe iyo Hazard ayuusan waligiis heer qaran iyo heer kooxba la ciyaarin balse wuxuu qiray sida ay u tayo fiican yahiin.

Inkastoo uusan dooran Ronaldo, hadana wuxuu aad u amaanay kabtanka Portugal isagoo jeclaan lahaa inuu wakhtigaan kasii ciyaaro La Liga.

"Waxey aheyd wax fiican inaan Ronaldo ku heysano La Liga sharafta uu keenay darteed”

"Marka laga reebo Ronaldo iyo aniga, ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta waxey kala yahiin: Mbappe, Hazard, Suarez, Aguero iyo Neymar”