Australia:-Dawlada Australia Oo Shuruuc Cusub Kusoo Rogtay Shirkadaha Baraha Bulshada (Social Media)

0
Thursday April 04, 2019 - 09:48:30 in by salman abdi
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Australia:-Dawlada Australia Oo Shuruuc Cusub Kusoo Rogtay Shirkadaha Baraha Bulshada (Social Media)

    Australia:-Dawlada Australia Oo Shuruuc Cusub Kusoo Rogtay Shirkadaha Baraha Bulshada (Social Media)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Australia:-Dawlada Australia Oo Shuruuc Cusub Kusoo Rogtay Shirkadaha Baraha Bulshada (Social Media)

aarlamaanka Australia ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyey sharuuc cusub oo lagu ciqaabayo shirkadaha Social Media, hadii barahooda lagu shaaciyo aflaam ama muuqaalo muujinaya dil, jidhdil ama kufsi.

Sharcigan cusub ayaa la xadhiidha weerarkii argagaxiso oo uu cunsuri cadaan ah oo u dhashay dalka Australia 15kii bishii March ku qaaday labo masaajid oo ku yaal magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, xasuuqaasi ayaa lagu dilay 50 qof oo muslimiin ah.

Weerarkaasi ayaa si toos ah (Live) loogu baahiyey Facebook, waxayna ku qaadatay shirkadaasi muddo ka badan 1 saac in muuqaalkaasi ay ka saaraan bartooda.

Xeer illaaliyaha Guud ee Australia Christian Porter oo sharuucdan cusub Baarlamaanka u akhrinayey ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin shirkadaha waaweyn ee Internetka in ay barahooda lagu shaaciyo muuqaalo fool-xun isla markaana lagu sii baahiyo.

Wasiirka Isgaarsiinta Australia Mitch Fifield ayaa isaguna sheegay inay muhiim tahay in fariin adag loo diro shirkadaha Internetka gaar ahaan Social Media inaan loo dulqaadan doonin ficiladan.

Raysalwasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sidoo kale soo dhaweeyey sharcigan cusub oo uu Baarlamaanka ansixiyey oo qoraya in shirkadii deg-deg uga saari weyda muuqaalada la mamnuucay la ganaaxi doono lacag dhan 10% inta soo gashay sanadkaasi.

Waxaa sidoo kale xabsi gaadhaya 3 sano lagu xukumi doonaan maamulayaasha shirkadaasi hadii aysan deg deg uga saarin muuqaalada la xariira dilka, kufsiga iyo jirdilka, waxaana lagu amray shirkadahaasi inay deg deg usoo wargeliyaan booliiska.