XAAL QAADO!!!W/Q:Cabdicasiis Guudcadde

0
Thursday October 02, 2014 - 18:17:34 in by Super Admin
  • Visits: 1382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAAL QAADO!!!W/Q:Cabdicasiis Guudcadde

    Weli sheeko iyo shaahidtoona makuusoo gaadhay Cadrad xishood lagu waaniyay, Caalin cibaado lagu waaniyay, iyo Cirroole dantii loo waaniyay?!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weli sheeko iyo shaahidtoona makuusoo gaadhay Cadrad xishood lagu waaniyay, Caalin cibaado lagu waaniyay, iyo Cirroole dantii loo waaniyay?!


Weli sheeko iyo shaahidtoona makuusoo gaadhay

  • Cadrad xishood lagu waaniyay,

  • Caalin cibaado lagu waaniyay, iyo

  • Cirroole dantii loo waaniyay?!

Weli malaaga sheekeeyay amaba ma aragtay  ruux ‘dhakhtar’ ah oo isagii u baahan in la dhakhtareeyo, ‘macalin’ isagii u baahan in wax la baro, ‘dhaqanyahan’ isagii u baahan in la dhaqan celiyo, ‘aqoonyahan’ u baahan in isagiisii aqoon la siiyo!?

Waxaa hubaal ah in aad la yaabtay dadka caynkan ah ee aan soo xaadiriyay,  ‘Maya, maya maanaan arag mana anaan maqlin’ ayaad jawaab ahaan u haysaa… Hadaba, anaa arkay… oo la iiga sheekeeyayna…

Waxaa inagu badan dad magaca ay afka ka sheeganayaan aan laga dheehan Karin waxa ay adinka ka samaynayaan!


 

Waa dad badan, oo hadana yar. Waa dad badan tiro ahaan, hadana yar tayo ahaan.

Waxaa wax laga mayiigo ah inaad qaadatid hafarka magac aanad mutaysan oo aanad milgihiisa meel-ka-dhac mooyee maamuus u keenayn.
Waxaa wax lagu majeerto ah inaad ka dhabaysid fulinta farriinta uu magacaagu ku farayo adigoo u maraya dhabo ay dadkuna kaaga garaabi karo, adna aad ku gobawdo.

 

Faaladaydan waxaan faraha ku godayaa anoo si togan ula kalaamaya dadka ku sifaysan habdhaqankaas xajiinta leh si ay xalay-dhalay uga noqdaan, waxaanan teed ka hortag ah uga dhigayaa dadyawga aan iyagu ku sifaysnayn dhaqankaas si ay war-la-qabaa-xiiso-maleh uga noqdaan.

Abbuurka aadanaha ayaan ku siinayn , oo aanay caadadiisaba ahayn, wax uu ka qajilona ah inaad magac raadsi unoolaati, hadaadba heshidna aanad ku faanin, hadaadba ku faantana aanad denbi ku gelin adigoo been ka sheegaya.

Waxaynu maraynaa zeban aan habayaraatee la xeerin dabeecad , damiir, dubaaq, dadnimo iyo diintoona, taasoo keensatay in ay wax caadi ah noqoto la kulmida dad intaan kor kusoo xusay iyo ka daranba ku sifaysan.
Waxaynu maraynaa zeban aanu kaska iyo kartida qofku ku filnayn oo ay kambalka wada kuududaan dhaqamo aan iriddaba soo dhaafi jirin, dhaqamo aan xataa kaabada ku cawayn jirin, dhaqamo aan iska daa inay suuqa kula lugeeyaane daaqada isha ka tuuran jirin, dhaqamo ay hor kacayaan ‘Been ka sheegida magaca!’.

Dulucda maqaalku wuxuu ku meeraysanayaa ‘Magacaagu ha ka turjumo habdhaqankaaga’

Waxba yaanu qoraalku ila tafine waxaan kusoo tamilayaa magacayga aan habdhaqankayga sawiraynoow xaal qaado!!!

 

Waxaan idinkaga tegayaa:

‘Hadduu dabkii dhaxmoodo, maxaa ladu diiriyaa?
Hadday dawadii bukooto, maxaa lagu dabiibaa?

Hadduu dufankii basaaso, maxaa lagu duugaa?!’

 

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde