Qasa:Madaxweynaha Falastiin Oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Cusub

0
Sunday April 14, 2019 - 10:01:52 in by salman abdi
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qasa:Madaxweynaha Falastiin Oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Cusub

    Qasa:Madaxweynaha Falastiin Oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qasa:Madaxweynaha Falastiin Oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Cusub

Madaxweyne Maxaamuud Cabaas Abu Maasim waxa uu ku dhawaaqay Xukuumad ay gadhwadeen ka yihiin Xisbigiisa Al-fatax ee muddada dheer hayey talada Maamulkaasi oo gacanta ku haya Dhulalka Daanta Galbeed ee la-haysto.

Xukuumadda cusub oo ka kooban 22 Wasiir waxaa Ra’isul-wasaare ka ah Maxamed Shatayeh, iyadoo Madaxda Dhaqdhaqaaqa XAMAAS ee ka taliya deegaanadda Marinka Qasa ay mucaaradeen magacaabistaasi.

Shan ka mid ah Xukuumadda Cusub waxay ka mid ahaayeen Xukuumadii hore oo iyagu weli haya Xilalkooda, waxaana ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda, Riyaad Al-maalik, Wasiirka Maaliyadda, Shukri Bishaara, Warfaafinta, Nabiil Abu Rudeynah, Dalxiiska, Rola Maayaa iyo Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, Ziyaad Abu Caamir.

ukuumadda cusub ee Falastiin ayaa la dhisay, kadib, markii uu Ra’isul-wasaarihii hore Raami Xamdallah uu iska casilay xilkaasi bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

Waxayna is-casilaadaasi timid, kadib, markii laga guul-daraystay Wada-xaajood Dib-u-heshiisiin oo u dhexeeyey Xisbiga All-fatax iyo Dhaqdhaqaaqa XAMAAS.

Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas oo 83-jir ah waxa xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 2005-tii.