Daawo:-Dawlada Somalia Oo Ka Soo Saartay Abaalta Dhacada Ee Somalia Lagu Soo Dajiyo.

0
Friday April 19, 2019 - 11:52:34 in by salman abdi
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:-Dawlada Somalia Oo Ka Soo Saartay Abaalta Dhacada Ee Somalia Lagu Soo Dajiyo.

    Daawo:-Dawlada Somalia Oo Ka Soo Saartay Abaalta Dhacada Ee Somalia Lagu Soo Dajiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo:-Dawlada Somalia Oo Ka Soo Saartay Abaalta Dhacada Ee Somalia Lagu Soo Dajiyo.

Kaddib kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho ay yeesheen Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay lagu ansixiyay sharciga Taya-dhowrka.

Sharcigan oo ah mid muhiim u ah tayo dhowrka wax yaabaha kala gadisan ee dalka soo dhoofiyo ayaa wadada u xaaraya dhismaha hay’adda ka hortaga wax-yaabaha dhacay.

 

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in sharcigas uu joojin doono wax-yaabaha dhaca ee dalka la keeno, islamarkaana dhawaan la horgeyn doono golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in u jeedada hay’adaas loo dhisaayo ay tahay xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe ee dalka sanadkii 1991kii Soomaaliya ma laheyn hay’ad u taagan tayo dhowrka wax-yaabaha loo soo dhoofiyo dalka ama loo iibkeeno, taasoo dad badani ku dhalisay shakiga ah badqabka iyo tayada guud ahaan badeecooyinka dalka la keeno gaar ahaan raashinka iyo dawada oo muhiim u ah nolasha Aadanaha.