Qaabkii uu u geeriyooday Garyaqaan Mohamed Hassan Saeed Salidhige [ Astaantii xaq udirirka Somaliland ]

0
Sunday April 21, 2019 - 14:01:54 in by salman abdi
  • Visits: 2460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabkii uu u geeriyooday Garyaqaan Mohamed Hassan Saeed Salidhige [ Astaantii xaq udirirka Somaliland ]

    Qaabkii uu u geeriyooday Garyaqaan Mohamed Hassan Saeed Salidhige [ Astaantii xaq udirirka Somaliland ]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabkii uu u geeriyooday Garyaqaan Mohamed Hassan Saeed Salidhige [ Astaantii xaq udirirka Somaliland ]

Alle naxariistiisa ha ugu deeqo oo janatu fardawsa haku casuumee Maxmed xasan siciid Salidhige oo da'diisu ku dhaweyd 50 jir ayaa ugeeriyooday shil baabuur.

Maxamed oo ku sumoobay rinjiyayn uu ku samaynaayay haamaha shidaalka ee berbera sanadkii 1999kii waxaa ka soo gaadhay dhaawac noloshiisa saamayn weyn ku yeeshay taas oo keentay in aanuu wax caruura dhalin maantana uu geeriyooday isaga oo goblan ah, maxamed waxaa ka tagtay hamadii ka dib sumawgii ku dhacay waxaana markiiba ka tagtay xaaskiisii oo xiligaas uun uu soo aroostay, markii ay mudo ka soo wareegtay ayuu maxamed haweenay kale guursaday balse nasiib xumo iyaduna way ka tagtay.
maxamed wuxuu galay halgan 20 sano qaatay oo uu ku dalbanayo xuquuqdiisii ay maxkamadu uxukuntay isaga oo rabay inuu isku soo daweeyo balse dadkiisii iyo dawladiisii ayaa ka duudsiyay xaqiisii wuxuuna aduunka ka tagay isaga oo aaminsan in uu maalin uun xaqiisa heli doono, wuxuu seexanayay gidaarada bishii ugu dambaysay ka dib markii uu dib udejin ka waayay galaha deegaanka ee magaalada berbera.

sida uu iisheegay weriye Mukhtar A. Eesh-Qiyasak oo ay saaxiib dhaw ahaayeen maxamed 15 sano ee ugu dambaysay shalay markii uu salaada duhur kula tagay magaalada berbera waxa uu u qabawsi tagay magaalada sheekh ee berbera iyo burco u dhaxaysa maadaama ay berberi xoog ukululeyd cimilo ahaan, maxamed salaadii makhrib wuxuu ku soo tukaday masaajid ku yaala magaalada sheekh intaas ka dib wuxuu usoo socdaalay dhinaca magaaladii uu degenaa ee berbera saacadu markay ku dhaweyd 7:30 pm wuxuu la soo hadlay mukhtaar oo uu kadalbaday in uu isii diyaariyo xadhig jaajar labtob {maalin dhaweyd oo aan berbera ugu tagnay ayaa laga xaday maxamed labtobkiisii waqti aan waraysi kula jirnay} in yar ka dib waxaa loo soo sheegay mukhtaar in maxamed shil ku geeriyooday meel aan ka Fogayn Dooxa kalajab Ee Dhinaca Bari Ee Magaalo Xeebeda Berbera , gaadhigii maxamed waxaa uu ku baaba'ay shil gaadhi oo dhexmaray gaadhi weyn oo candho maydle ah oo ka yimi dhinaca berbera una socday dhinaca burco, gaadhiga kale cidi waxba kumay noqonin balse waxaa si naxlin leh ugu geeriyooday gaadhigii indhacada ahaa marxuum garyaqaan maxamed xasan siciid sali dhige [ Tabliiqi sharci ], maxamed beelka ayaa uxidhnaa se waqtigiisii ayaa dhamaaday.

waxaa xusid mudan in gaadhiga maxamed aanuu fuqa hore dhaawac ka soo gaadhin geestakalana maxamed uu ahaa nin ay isaseegeen dad badan intii uu halganka ku jiray,hada waxaa goobta shilka tagay taliyaha ugu sareeya ciidmada nabadgelyada wadooyinka iyo saraakiil kale oo baadhis ku samaynaaya qaabkii uu shilku udhacay

maxamed oo qofkii arkayba marag uga yahay raganimadiisii,hal-adaygiisii,sabirkiisii,hadal wacnaantiisii,cibaadadiisii,aqoontiisii,saamxaadiisii, sidii uu ugu qanacsanaa qadakra iyo shakhsiyad wanaagiisii ayaa iisheegay "NOLOSHU WAA IMTIXAAN ANIGANA ILAAHAY WUXUU IGU IMTIXAAMAY MASHAQADAN IGU DHACDAY WAANA UGU SABRAYAA ILAAHAYNA WAAN UGU XAMDI NAQAYAA"


NAFWALBAABA WAY DHADHAMINAYSAA GEERIDA XAQ-UDIRIRKII SALIDHIGANA WUXUU GODKA GALAYAA IYADA OO UU QARANKIISA XAQ KAGA MAQANYAHAY

Dawlad Hassan Elmi