Daawo: Sidii Looga Ciiday Burco iyo Masuliynta Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco oo saaka Kumannaan Dadweynaha reer Burco ah kula tukaday Garoonka Alamzay Stadium ee magaalada Burco.

0
Saturday October 04, 2014 - 11:08:31 in by salman abdi
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Sidii Looga Ciiday Burco iyo Masuliynta Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco oo saaka Kumannaan Dadweynaha reer Burco ah kula tukaday Garoonka Alamzay Stadium ee magaalada Burco.

    Waxa saaka si weyn looga ciiday Magaalada Burco iyadoo ay dadweynaha reer burco salaadda la tukadeen masuliyinta gobolka iyo Degmada burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa saaka si weyn looga ciiday Magaalada Burco iyadoo ay dadweynaha reer burco salaadda la tukadeen masuliyinta gobolka iyo Degmada burco.


Ka hor intaan la tukan labada rakcadood ee ciidda waxa Fagaaraha khudbad wacdi ah ka jeediyey Sh. Cali Warsame oo Muslimiinta iyo Bulshada reer Burco ugu baaqay inay is cafiyaan isla markaasna ay munaasibadda ciidda awgeed cid kasta ciddi ay wax u qabtay cafiso, waxa iyaguna kelmado dardaaran iyo bogaadin shacabka reer Togdheer u jeediyey Badhasaabka Togdheer Maxmed Muse Diriye iyo Mayarka Burco Sh. Maxamed Yusuf Muraad waxana ay Bulshada u so jeediyeen inay ka qaybqaataan isla markaasna dawladda hoose ku taageeraan waddooyinka cusub iyo mashaariicda gobolka laga bilaabay,

Maayarka Magaalada Burco ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay Dadweynaha Xaafadda Hodan ee magaalada Burco oo uu sheegay inay noqdeen xaafaddii ugu horeysay ee qaadhaan iska ururisa si ay waddooyin fiican u helaan dawladda hose burco na si weyn ula shaqaynayso.


Contact@afkashacabka.com