Gudomiyaha Maxkamada Sare Ha Is Casilo Madaxawynahana Dib Ha Loo Dhaariyo W/Q Maxamed Andar

0
Monday April 22, 2019 - 12:40:29 in by Hargeysa Office
  • Visits: 4072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudomiyaha Maxkamada Sare Ha Is Casilo Madaxawynahana Dib Ha Loo Dhaariyo W/Q Maxamed Andar

    Wuxuu waayay raganimadiisii (hamadiisii Dareenkiisii) isaga oo aroos cusuba, iftiinka mustaqbalkiisuna kaw uyahay, rajo fiicana ka qabay inuu nolol quruxbadan ku noolaado,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu waayay raganimadiisii (hamadiisii Dareenkiisii) isaga oo aroos cusuba, iftiinka mustaqbalkiisuna kaw uyahay, rajo fiicana ka qabay inuu nolol quruxbadan ku noolaado,


 


Garyaqaan maxamed xasan siciid sali dhige sanadkii 1999 ayuu shaqo rinjiyayna ka helay haamaha shidaalka berbera oo ay shirkad cusub oo total ahayd la wareegtay,Ha yeshe shaqadasi waxay galafatay qayb kamida jidhkiisa oo muhiim ahayd, waxayna kaw ka noqtay mugdigii noloshiisa saameeyay.

 

Markii uu Maxamed Shaqadii Rinjiga galay isaga iyo laba saaxiibadiis ah waxaa loo sheegay in ay gudaha u galaan Haamaha shidaalka berbera si ay u soo rinjiyeeyaan, lkn waxa uu ahaa Dabin loo dhigay. Waxaa loo dhiibay rinji muu ahayn waxa uu ahaa Kimiko khatar ah oo loogu talo-galay in aanay haamuhu daxalaysan oo shirkadda total iyo shirkadii qandaraska rinjiyaynta qaadatayba ay ka baqdeen in ay ku waxyeeloobaan.

 

markii ay marayeen Haantii labaad ayaa suntii jidhkooda ku saaqday waxaana la dhigay dhakhtarka weyn ee Magaalada Berbera waxayna suntii u Geysatay Khasaare Noloshiisii baabiiyay, dhakhaatiirtii waxa ay sheegeen in ay sumoobeen Jidhkoodun gubtay suntuna Dhiigga raacday, Maxamed Waxa soo gaadhay khasaare ahaa in uu Raganimadiisii ku waayo oo suntii ka dishay dareenka iyo Hamadda, Caruuskii Cusbaana sidaas ayuu ku noqday noole jidhkiisa qayb muhiim u ahi ka dhimatay.

 

Agaasimihii Guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo Xubno Guddi dhakhaatiir ah oo loo xilsaaray xaaladiisa caafimaadna waxa ay ku dhawaaqeen natiijo naxdin gelisay waxayna ku wargeliyeen maxamed in uu isagu raganimadiisii waayay inta noloshiisa ka dhimana uu sidaa ku noolaan doono, Xaaskiisiina waa ay iskaga tagtay maadaama oo aanu waxba dhaamin iyada.

celis badan, Rafaadbad iyo dhibaato badan oo uu umaray ka dib, waxa maxkamada sare ee somaliland u xukuntay inuu helo xaqiisiii. Ha yeeshee waxa uu waayay cid u fulisa xaqiisa maxkamadu u xukuntay.

 

Mudo labaatan sano ah ayuu cadaalad raadinayay, wuxuu dib jir gidaarada seexda unoqday, naftiisana biimo u galiyay si uu maruun cadaalad uga helo dalkiisa hooyo ee somaliland. Wax wal oo uu tabashadiisa ku muujinayana wuu sameeyay,

wuxuu noqday qofkii u horeeyay ee si kaliya u mudaharaada si uu cadaalad u hello isaga oo dareenkiisa, shucuurtiisa iyo dulmiga laga galayba ku muujinaya boodhadh iyo istiikaro uu samaysaty kuna xardhanyihiin weedho damqaya qalbiyada qoyan se aan waxba ka qaadayn qalbiyada engagay.

4 madaxwayne ayaa dalka soo maray intuu cadaalada baafinayay, oo kala ahaa marxuun maxamed xaaji ibraahin cigaal, daahir riyaale kaahin,axmed maxamed maxamud siilaanyo iyo muuse biixi cabdi oo hada xilka haya, lakiin madaxdiisii xaqa ulahyd inay wax uqabtaan, ayaa xaqiisii duudsiyay waliba si badheedha, Hadana ma uu quusan waxa uu sii laba jibaarayay dadaalka uu ku doonayo inuu maruun xaqiisa helo, wuxuuna cuskaday samirka alle isaga oo rajadiisu ahayd inuu maruun cadalad helayo xaqiisuna banaanka imanaaayo.

 

nasiib darro isaga oo qarankiisa xaq balaadhan kule ayuu geeriyooday, lakin waxa banaanka timi cadaalad daradii ku dhacday alle haw naxariistii marxuun maxamed..xasan siciid sali dhige waxana dhimashadiisa wax yaruun ka hor laga diyaariyay barnaamij uu min bilaw ilaa dhamaad kaga hadlayo cadaalad daradii ku dhacday ee xataa ku kaliftay inuu jinsiyada somalilandba ka noqda oo uu dalbado in wadanka laga tarxiilo, mudo labaatan sano ah oo kaso bilaabantay 1999 ilaa hada oo ah 2019 ayuu cadaalad raadinayay, waxayna hortaala shacabka somaliland arinta dareenka iyo damqashada leh ee ku dhacday alle haw naxariistiii marxuun maxamed xasan siciid Salidhige.

.

 

Waa cadaalaad daro gaamurtay, waa dulmi gaboobay, waa duudsi looga badhedhay, waa xaqdaro muuqata, waana sharci jabay...alle haw naxariistiii waxa ku dhacay marxuun maxamed xasan ibraahin salidhige.

 

Waxayna arintani banaanka kee naysa, waaqac iyo runa ka dhigaysaa tuhunkii iyo mad madawgii ku jiray in cadaaalad daro looga badheedhay somaliland ay ka jirto,Waxayna indhaha ufuraysa boqolaal kamida shacabka somaliland ee xaqadarada huwada, dharaar iyo habeena beenta iyo manaawaalka lagu maamulo.

Wuxuuna xurmadii iyo xasanadii ka qadaya shaqsiyaadka wanaagooda banaanka soo dhiga xumaantoodana qariya ee cadaalada ka been sheega, qalinkana usita xaqdarada iyo muquuninta dadka jilicsan.

Gudomiyaha maxkamada sare ha is casilo, dibna haloo dhaariyo madaxwaynaha qaranka, waayo shaqsiga dhaariyay waa shaqsiga ka badheedhay cadaaladii uu ku dhaartayna baasha ka maray, indhahana ka xidhay in maxamed cadaalad loo helo, indhahana hoos haw dhigo gudomiyaha maxkamada sare, gafkii iyo khaladkii uu ka galay marxuun maxamed kolay aakhiro ka hadhimaysee, shacabka haw cadeeyo. Bedkana hakeeno cadaalad darada ku dhacday marxuun maxamed xasan siciid Salidhige.



Gudomiyaha Maxkamada Sare Ha Is Casilo Madaxawynahana Dib Ha Loo Dhaariyo W/Q Maxamed Andar