Qaahira:-Shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Liibiya iyo Sudan oo ka furmaya magaalada Qaahira

0
Tuesday April 23, 2019 - 12:07:13 in by salman abdi
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaahira:-Shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Liibiya iyo Sudan oo ka furmaya magaalada Qaahira

    Qaahira:-Shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Liibiya iyo Sudan oo ka furmaya magaalada Qaahira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaahira:-Shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Liibiya iyo Sudan oo ka furmaya magaalada Qaahira

Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa lagu wadaa uu maanta ka furmo shir looga arinsanayo qalalaasaha Sudan, waxaana dhinaca shirka uga qeybgalaya Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay madaxweynaha dalka Masar C/fataax Al-Sisi, sidoo kalena ah guddoomiyaha Midowga Africa ayaa waxaa ka qeyb galaya Soomaaliya, Koofur Afrika Rwanda iyo Chad, kuwaas oo ka tirsan urur Goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka noqon doona xaalada ka soo cusboonaatay dalka Liibiya oo ay ka socdaan dagaallo culus.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in marka laga soo tago shirka guud ee Qaahira waxaa uu shir doceedyo uu la yeelan doonaa Madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Sudan.