Adis-ababa:-Xadka Itoobiya Iyo Eritrea Oo Dib Loo Xidhay

0
Wednesday April 24, 2019 - 09:43:49 in by salman abdi
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adis-ababa:-Xadka Itoobiya Iyo Eritrea Oo Dib Loo Xidhay

    Adis-ababa:-Xadka Itoobiya Iyo Eritrea Oo Dib Loo Xidhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adis-ababa:-Xadka Itoobiya Iyo Eritrea Oo Dib Loo Xidhay

Goobta kaliya ah ay isaga kala gudbayeen shacabka dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa Isniintii la xidhay.

Waxaa furnaa oo kaliya ah deegaanka ku yaalla xadka u dhexeeya labada dal ee Bure-Assab.

Lamana garanayo sababta ka dambeyso in la xidho xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

Waxaa gebi ahaanba hakad galay howlihii ganacsiga ee ka socday deegaanka xadka.

Sannadkii lasoo dhaafay, ayay aheyd markii dib loo furay xadka Eritrea iyo Itoobiya kaddib 20 sanno oo ay ka dhex taagneyd dagaall dhanka xadka ah.

Waxay arrintani ka dambeysay markii heshiis nabadeed ay wada gaareen labada dal oo lagu soo afjarayo colaaddii dhanka xadka.